Madaxweynayaashu Sawir Mala Geli Karaan Dembiile Dagaal?

0
491

Dunida kama dhacdo in qof dembiile dagaal ah oo xukun ku dhacay uu sawir la galo shakhsi ka mid ah kuwa caanka ka ah dunida badankeeda sida Heesaaga, Jilayaasha, Madaxweynayaasha, Ra’iisal Wasaarayaasha iyo kuwa la midka ah, waayo waxa uu sawirkaa uu qofka caanka ahi la galay dembiile dagaal, waxa uu sheegayaa inay taageerid u tahay, kuna raacsan tahay dembigii dagaal ee caalamiga ee uu galay.

Haddaba Madaxweynaha Somaaliya Farmaajo oo booqasho ku tagay magaalada Washington ee dalka Maraykana bishii hadda ee aan kasoo gudubnay, ayaa waxa uu halkaa kula kulmay dembiile dagaal oo ka mid ahaa Saraakiishii xasuuqa xun  ka geysatay Somaliland 1988kii, sida dad nolol lagu gubo ama lagu xabaalo.

Kulankaas ka dhacay Washington oo la xidhiidhay Safaarad uu Farmaajo uga furayey Somaaliya, waxa lagu martiqaaday xafladda oo kasoo qeyb galay Dembiile dagaal oo magaciisa caanka ah ee loo yaqaanaa yahay  (TUKE-Cabdi Cali) kaas oo ay isla sannadkan Maxkamad ku taal Gobolka Virginia ee dalka Mareykanku u aqoonsatay dembiile dagaal, iyadoo sida la sheegayo uu Madaxweyne Farmaajo ku amray diblomaasiyiintiisa inay ku soo martiqaadaan Tuke xafladdii furitaanka Safaaradda.

Farmaajo intaas oo keliya may ahayn ujeeddadiisu, balse waxay daarrneyd inuu inaa-deerkii oo dembiile dagaala, xukun caalami ahna ku dhacay  ku ilowsiiyo shaabadda dembiilenimo ee kaga  dhegsan wejigiisa iyo sii jeedkiisaba, una muujiyo dadka wadaaga magaca Soomaali madaama uu maanta Madaxweyne yahay in Tuke aanu ka noqon Somaalida dhexdeeda qof laga dido oo  dadku ka fogaadaan.

Si taasi u hirgasho waxa uu sameeyey fal dembi ama ugu yaraan fadeexad weyn ka ah dunida, kaas oo ah inuu Madaxweyne Farmaajo sawir gaar ah la galay dembiile Yuusuf Cabdi Cali [TUKE] oo ah Sarkaalkii dadka nool ku  gubay, isla markaana xabaalay iyagoo nool ee uu ku caddaaday dembigaasi, kadib markuu dacwad muddo dheer socotay ku oogay Farxaan Taani Warfaa oo ka badbaaday shan xabbo oo uu ku dhuftay Tuke, isla markaana uu ku sameeyey Jidh-dil.

Tallaabadan waxa kale oo uu Farmaajo ula dan lahaa inuu ku niyad jebiyo shacbiga reer Somaliland ee halganka ugu jira inay xaqooda iyo xuquuqdooda ka helaan dunida, taasoo ah inay mar uun gartaan in Somaliland Qaranimadeedu tahay mid waafaqsan shuruucda Caalamiga ee dal lagu aqoosado, asbaabaha ay uga go’day Somaaliya-na ay tahay tan ugu dembeysay ee hadda uu Madaxweynaha Somaaliya taageerada ku siiyey Tuke oo ka mida kuwii xasuuqay shacbigii aan hubeysneyn ee reer Somaliland.

Sidaa darteed, waa in bulshada Caalamku sawirka uu la galay Madaxweyne Farmaajo dembiilaha dagaal ee xasuuqa ka geystay Somaliland wax ka qabataa, maadaama uu dhaawacay damiirka dadka nool ee ay ehelka ahaayeen kuwii uu nolosha ku gubay, isla markaana ku xadgudbay xuquuqda bani’aadanka isagoo Madaxweyne dal sheeganaya, sidoo kalena dib loo eegaa taageerada ay dunidu siiso Xukuumaddiisa.

MUXUU YAHAY YOOLKA XUKUNKA FARMAAJO EE MUQDISHO

Farmaajo waa nin Madaxweyne ka ah Villa Somaaliya iyo inta ku xeeran oo ku siman illaa Madaarka iyo Dekedda Xamar inta u dhaxeysa, halkaas oo uu weli baaqi ku sii yahay magaca uu  saxeexii Somaaliya oo maqaar saar u ah Qaramada Madoobay oo marka xaqiiqada laga hadlayo ah ta ka talisa, isla markaana dejisa qorshaha mustaqablka dembe ee dalkii Somaaliya oo ka kooban labadii dal ee ay u kala talinayeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Talyaaniga ee iskood isku raacay inay isku darsadaan oo la baxaan hal magac, kaas oo ahaa Jamhuuriyadda Somaaliya.

Saxeexaa weli ku sii hadhsan xaruntii Villa Somaaliya, waxa  haatan sidii Maafiyada Talyaaniga oo kale ugu shaqeyste Farmaajo oo sida dad ku dhaw-dhaw laga soo xigtay in ka hor intaanu ku fadhiisan saxeexa kursigan uu ku riyooday isagoo Madaxweyne ka ah Somaaliya oo ay Fannaaniin faro badan oo wiillal iyo gabdhaba leh ugu heesayaan hees la mid ah kuwii  loogu heesi jiray Adeerkii oo ay ku jirto (NOOLOW MADDAALE ) iyo mid kale oo iyana ay ku jireen midhahani [WAQAL HOORRAYOO.. NA WARAABIYOO.. WEYNAHAAN KA TUUGNEE NOO WAAR.]

Intaa waxay ku dareen ilahan ka agdhawi, inuu u sheegay iyana goob joog ka ahaayeen, iyadoo ay shacbiga Muqdisho u qaadayaan heestii (NOOLOW MADDAALE) dhawr jeer oo la damcay in reer Muqdisho lagu kiciyo, balse iyagoo eegaya sida firfircoonida leh ee uu Somaliland u jeebeeyey iyo sida uu Shabaabkii uga sifeeyey dalka, ayey shacbigii isu soo bax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo ku qabteen fagaaraha Daljirka Dahsoon, halkaa markuu ugu yimidna ay in ku dhaw 30 daqiiqo ku celcelinayeen heestii NOOLOW Maddaale, sidaana uu ku fashilmay shirqoolkii ay la damacsanaayeen Siyaasiyiinta waaweyn ee reer Muqdisho.

Intaa wixii ka dembeeyey, waxa uu Farmaajo galka ka saaray seeftii kacaanka ee uu ku riyooday oo la dhex qaaday Madax-weynta magacyada waaweyn ku leh magaalada oo ay ugu horreeyaan kuwa ugu magaca sarreeyaa sida Janaraal Qeybdiid, C/raxmaan C/shakuur, Muuse Suudi Yalaxow, Korneylkii la deldeley ee Janannadiisii dilay yidhaahdeen isagaa isdeldeley iyo kuwa kale oo badan oo isugu jira Wadar iyo keli-keliba sida dadkii degganaa soonka Jaamacaddii Lafoole, Xaruntii Dhallinta kacaanka ee meelaha kale ee kasoo sokeeya ee dawladdu lahayd, balse inta degganeyd u badneyd beesha H/Gidir, iyagoo kala mid ah beelaha kale haddana keligood lagu amray inay ka guuraan.

Waxa ka sii darnaa oo waxaas oo dhan isku fuuqsaday, marag muujina u ah sida uu u jilayo Farmaajo ficilladii foosha xumaa ee Adeerkii , markuu ku dhiiraday inuu shakhsi ka mid ah kuwa biri-megeyda u quudhay inuu kula kaco oo ku fuliyo ficil gardarro cad oo qaawan ah, kadib markuu Farmaajo amray in laga soo dejiyo diyaarad uu doonayo inuu u raaco illaa Kismaayo Madaxweynihii ugu soo dhadhawaa in Somaaliya heshiis ka dhaco dhexdooda.

Shakhsigaas waa Madaxweyne Sheekh Shariif oo lagu sifeyn karo hoggaamiye ku dhac leh, maadaama uu yahay ninkii ka diiday dalalka Shisheeye ee daneeya Somaaliya iyo Qaramada Midoobay in doorasho dembe oo Baarlamaan iyo Madaxweyne-ba ka dhacdo meel aan ka ahayn dalkiisa. taas oo aakhirkii ka hirgeliyey in dalka gudihiisa lagu qabto doorashooyinka, inkastoo tii ugu horreysay ee uu ku qabtay Muqdisho ay ku abaalmarisay in lagaga guuleysto tartankii aan dhaafsiisneyn Hool lagu soo ururiyey dad gaadhaya dhawr boqol oo intoodii badneyd u codeeyeen Xasan Sheekh Maxamuud. Reer Muqdisho dhug iyo dareenba ha u yeesheen ficillada Farmaajo inta uu ku soo jaheynayo Somalailand oo hore u tashatay, iskana ilowday wixii hore ugu dhacay oo dhan.

 

 

 

Leave a Reply