Dunida Oo Ku Kala Duwan Tilmaamaha Quruxda

0
445

Qof kasta wuxu jecel yahay in ilkihiisu qurux bataan oo ay noqdaan kuwo siman oo keenaya dhoola cadayn ama qosol qurux badan, abuur ahaan dadka badankoodu ilkahoodu way siman yihiin sida ay badankooduba u leeyihiin laxaad dhamaystiran. Dad badan ayaa ku bixiya lacago badan sidi ay  u samaysan lahaayeen ilko isku siman oo qurux badan marka ay ilkahoodu raaran  yihiin oo ay kala dhaadheer yihiin.

Haddaba waxa iyana cajiib ah in Dalka Japan ay iyaguna sidaasi si ka duwan u yaqaaniin qurxda ilkaha. Dadka Japan ayaa aaminsan inay tahay qurux dhamaystiran marka ay ilkuhu raaran yihiin  isla markaana kala dhaadheer yihiin, taasi oo muujinaysa qurux ay u yaqaaniin “ Yaeba” oo ah ilkaha quruxda la leexsan.

Sidaas awgeed waxay u tagaan dhakhaatiirta ilkaha si ay ilkahooda isku siman ay uga dhigaan kuwo raaran oo kala dhaadheer waxayna ku bixiyaan lacag aad u badan. Dunida ayaa sidaasi ah Bulshooyin isla yaab isla diid ahina ku nool yihiin.

 

 

Leave a Reply