Guddoomiyaha Hay’adda Aafooyinka oo Xadhiga ka Jaray Xafiis Cusub

0
416

Qore Khadar M. Xaashi

Borama (Dawan) Gudoomiyaha hay’addaha aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka mudane Faysal Cali Sheekh, ayaa xadhiga ka jaray xarunta hay’addoodu ku yeelan doonto magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Waxaana xadhig-jarkaasi ku wehelinayay, isu-duwaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka ee gobolka Awdal, badhasaabka gobolka, iyo duqa degmadda.

Gudoomiyaha hay’addaha aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka mudane Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in uu wax badan ka tari doono baahi uu gobolku u qabay hawl-qabadka xafiiskani waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu ugu mahad celineyna dadkaasi noo fududeeyay hawshaasi waxaanan rajeynayaa hadii ILLAAHEY yidhaaho mustaqbalka in uu noqdo xafiis ballaadhan oo doorkiisa ka sii kordhiya halka aynu maanta taaganahay, si joogta ahna waanu idinla shaqeyn doonaa, waxaanu jecelahay inay isku xidhmaan gobolkasta iyo hay’addayadu, waana mataano”

Duqa degmadda Boorama mudane Saleebaan Xasan Xadi oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Faysal waxaan leeyahay in badan ayuu gobolku xafiiskan ka arradnaa maanta hadii aad xadhiga ka jartay anaguna wixii uu hawlo nooga baahan yahay diyaar ayaanu u nahay, si fiican ayay yeeleen hadalkoodu waa uu qurux badnaa, dadnimo ayay muujiyeen, wadaniyad ayay muujiyeen, bulshada kalena waxaan leeyahay sidaasi oo kale waa in aad muujisaan,

 

Leave a Reply