Farxadii Dhaxalka Iyo Naxdinta Warqada!

0
499

Sawirkan hoose waxa faafiyay ninka Maraykanka ee lagu magacaabo Steve McNeill , waxaana ka muuqda isaga oo aad u faraxsan iyo ayaydii oo ku jirta sakaaraadka daqiiqadihii ugu danbeeyay. Steve ayaa sheegay in wakhtiga uu sawirka iska qaaday aad u faraxsana sababtuna ay ahayd isaga oo ka dhaxlayay Ayaydii marka ay dhimato lacag $ 900 kun doller.

Laakiin waxa dhacay arrin ka yaabiyay Steve ka dib markii loo dhiibay warqad islaantu qortay oo dardaaran ah markii la asaasy Islaanta ayayeda u ah, taasi oo ay ku sheegtay in lacagta $ 900 kun ah ay u bixisay sadaqo ahaan, kuna wareejisay hay’ad samafal.

Waxa kale oo ay warqadda ugu qortay erayadan :” Ayeeyo adiga waxaad iga dhaxli doontaa Eyga yar, iyo ilkaha saqafka ah ee ku jira sanduuqa iyo ushii awowga aan ka dhaxlay ee uu guriga ku dhex socday markii uu gabobay. Waayo adiguna sidayda ayaa markaad gabowdo aad ilka beelaysa oo ilko saqaf ah u baahan, socodkana karayn oo u baahan usha taageerada”.  Intii aad u baahnayd waan ku reebay.

Weliga ha isku halayn xoolo qof kale shaqaystay, oo aad isagana la jecelaato geerida si waxa aanad shaqasan u hesho.

 

 

 

 

Leave a Reply