Golaha Guurtida oo ka Dooday Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka

0
501

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Fadhigii Golaha Guurtida ee shalay oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida ayaa Mudanayaasha Golahaasi dood adag ka yeesheen Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka oo ay Golaha Wakiilada u soo gudbiyeen.

Mudanayaasha Golaha Guurtida ee ka qayb galay dooda Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka ayaa ku kala aragti duwanaa xeerkan, iyadoo Xildhibaanada qaar kood soo jeediyeen in aan la laalin hase yeeshee waxkabadal iyo Kaabis lagu sameeyo.

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud ayaa waxa uu ku dooday in Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalku u baahanyahay in wax ka badal lagu sameeyo. waxaana uu yidhi “Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka waa xeer u baahan in aynu wax ka badal iyo kaabis ku samayno si uu u anfaco wadanka, Xeerkan waxa ku qoran Gole deegaan sida Dastuurku sheegayana wax kale oo gole loogu yeedhi karaa majirto Golaasha Qaranka iyo Golaha Xukuumadda mooyaane, markaa waa in qodobkas laga saaro sidaa darteed waxa an leeyahay xeerkan guddi hoosaadka Golaha Guurtida ee uu khuseeyo xeerkani kala xadayntii degmooyinka dalka waynu ubaahanay madaama Doorashooyinkii inagu soo dhaw yihiin”.

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo ayaa waxa uu sheegay in Xeerkan Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka wax ka badal lagu soo sameeyay. waxaana uu yidhi “Xeerkan Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka waa xeer shaqaynayay oo wax ka badal ayaa lagu soo sameeyay oo wuu inagu soo noqday, muddo labaatan sanno ah ayaa lagu soo shaqaynayay, siyaasada xeerkan ku fadhiyi lahaa Siyaasiyan sharciyan waxa lagu magacaabaa Gobal iyo degmo baaxada dhul, tirada dadka iyo Dhaqaalaha haddii dib loo qiimeeyo degmooyinka dalka waa ku dhacayaan boqol kiiba sagaashan”.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Nuur ayaa isaguna waxa uu ku dooday, soona jeediyay in waxkabadal lagu sameeyo Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka.waxaana uu yidhi “Waxa aan soo jeedinayaa Golaha Guurtida waa xeer dajin in la laalo maaha xeerkan ama celiyo waana in wax ka badal lagu sameeyo Xeerkan Ismaamulka Gobalada Degmooyinka dalka, Muddo xileedka Golayaasha Deegaanka waxa lagu sheegay shan sanno lagumana muujin xeerkan hadii mudadoodu dhamaato sida laga yeelo Golayaasha deegaanka waxaana xeerkan ku qoran Wasiirka Arimaha gudaha wuu kala diri karaa Golyaasha deegaanada dalka”.

 

 

 

Leave a Reply