London: Mu’alifka Barnaamijka Kubbad Ii Iibi Oo Abaalmarino Guddoonsiiyay Xubno Magac Ku Leh Somaliland

0
355

London (Dawan): Waxaa habeen hore magaaladda London ee dalka boqortooyadda Ingiriiska lagu qabtay xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo kulmisay badi hal-doorka reer Somaliland ee ku dhaqan Lodon iyo UK.

Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay ayay u jeedadeedu ahayd sidii loo abaalmarin lahaa xubnihii kaalinta fir-fircoon ka qaatay barnamijkii Kubbad ii iibi ama (buy me a Ball).

Barnaamijkaasi oo uu soo alifay ama curiyay Maxamed Barasab, isla markaana uu ka soo fuliyay goboladda Somaliland.

Maxamed Brasab, ayaa ah mu’alifkii iyo shakhsigii lahaa fikirka iyo raggii la qaatay fikirka, lana dhaqaajiyay.

Kuwaas oo ay ka mid yihiin Maxamed Shawal, Khadar Cali Gaas iyo Cabdirasaaq Harun ( Macaf) iyo Subeer Cabdilaahi, Cabdi Xuseen (Xadka).

Sidoo kale munaasibadaasi ayaa ahayd soo dhawayn loo sameeyay Maxamed Barasab, oo ah shaqsiga hal-abuuray barnaamijka Kubbad ii iibi iyo xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco, oo haatan ku sugan dalka Ingiriiska.

Marti sharaftii munaasibadaasi ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa wakiilka Somaliland u joogta dalka UK marwo Ayaan Maxamuud Cashuur iyo fanaanka caanka ah ee reer Somaliland Maxamed Siciid Cabdi (BK).

Waxa kaloo ka mid ahaa xubnihii xafladaasi joogay qoraa Cabdi Shakuur, saxafiga Kayse Axmed Digaale, agaasimaha TV-ga qaranka Somaliland ee qaaradda Yurub C/kariin Dalmar, C/raxmaan Maxamed Kaahin, Xasan Xoog, Siciid UCID iyo xubno kale.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo isaga iyo Maxamed Barasab, lagu maamuusayay xafladaasi ayaa u mahad celiyay qaban-qaabiyeyaashii munaasibadaasi oo kala ahaa Ubax Barasab, Xamse Baaxad, Subeer C/laahi iyo cid kastoo gacan ka gaysatay qabsoomidda munaasibadaasi.

Xildhibaan Bidhi, ayaa si gaara ugu mahad naqay safiirka Somaliland u joogta dalka boqortooyadda Ingiriiska Ayaan Maxamuud Cashuur.

 

 

Leave a Reply