“Somaliland iyo Itoobiya Waxay Xidhiidh Aad u Diiran Ka Leeyihiin Ganacsiga iyo Iskaashiga Amniga”

0
502

Dawladda Itoobiya oo Somaliland ku Ammaantay Ilaalinta Nabadgelyada Xeebaha Gobolka

Qore Maxamuud Walaaleeye

Nayrobi (Dawan):- Dublamaasiyiin ka soo kala jeeda dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada xaajooday sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, si wada jir looga faa’iidaysto.

Labada wadan ee dariska ah waxay dano dhow ka leeyihiin Badda Cas iyada oo Itoobiya si weyn ugu tiirsan tahay Dekadda Berbera ee Somaliland si ay ugu adeegsato badeecadaha ay u dhoofiso suuqyada caalamka, ugana soo iibsato.

In kasta oo xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal uu weli aad u xoog badan yahay. Somaliland ayaa u dhoofisa Itoobiya ganacsi lagu qiimeeyey $600-$700 milyan dollar sannadkii.

Safiirka Somaliland ee Kenya Md. Baashe Cawil Cumar iyo safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Kenya Mr Meles Alem Tikea oo ku kulmay magaalada Nairobi khamiistii, 24 oktober, ayaa la sheegay inay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee loo sii hagaajin karo xidhiidhka labada dal.

“Somaliland iyo Itoobiya waxay ka leeyihiin xidhiidh diiran arrimaha ganacsiga iyo iskaashiga amniga. Waxaan sii wadaynaa inaan sii xoojino iskaashigayaga xagga ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada, ”ayuu Baashe Cumar kulankaas ka dib xafiiskiisa Somaliland ee Nairobi, u sheegay Businessweek.

Itoobiya waa furaha Somaliland ee geeska Afrika. Labada dal ayaa iska kaashaday shirkadda DP World iyo dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu sidii dib loogu dhisi lahaa dekeda Berbera oo door muhiim ah ka ciyaaraysa isku xidhka marinka badda iyo barriga dhexe.

Itoobiya ayaa leh boqolkiiba 19 saamiga Dekadda Berbera, Somaliland waxay leedahay 30 boqolkiiba halka shirkadda DP World ay ku leedahay saamiga 51%.

Imaaraadka iyo shirkadda Abu Dhabi ee Sanduuqa Horumarinta Dhismaha ayaa iyaguna dhisaya wado laba haad ah, masaafadeedu gaadhayso laba boqol iyo konton KM oo u dhaxeysa magaalada Berbera iyo magaalada xuduuda Ethiopia ee Tog-wajaale.

Md Bashe wuxuu intaas raaciyay in Itoobiya ay ka mid tahay waddamada Afrika ee sida diirran u soo dhoweeyey wakiillo ka socda Somaliland, oo ah waddan aan wali dunida laga aqoonsan.

“Shirkadaha duullimaadyada ee Itoobiya waxay laba jeer u duulaan maalin kasta magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa iyagoo isku xidha waddankeenna iyo waddammada kale ee Afrikaanka ah ee la xidhiidha muwaadiniintayada iyo dalxiiseyaasha. Tani waxay saamayn wanaagsan ku yeelatay ganacsiga iyo dalxiiska,” ayuu yidhi.

Mr Tikea, safiirka Itoobiya ee Kenya ayaa sheegay in Somaliland ay door weyn ka ciyaartay amniga badaha iyo kor u qaadida ganacsiga dalkiisa.

“Waxaan u maraynaa dhinaca Somaliland, marinkeena badda, oo door muhiim u ah ganacsigeena soo dejinta iyo dhoofinta,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Wadanku wuxuu qaatay talaabo xigmad leh si loo soo afjaro colaadaha loona helo is-dhexgal iskaashi dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo furay marxalad cusub oo deris wanaag ah Geeska Afrika iyo wixii ka dambeeya.”

 

Leave a Reply