Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Guddoomiyey Shirka Saddex Biloodlaha ah JPLG-ga iyo Degmooyin Gobolada Bari ah oo Lagu Daray

0
447

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa shalay guddoomiyay shirka gudida golaha wasiirada ee maamul daadejinta (IMC Meeting).

Shirkan oo sadexdii biloodba mar ka qabto,ayaa lagaga wada hadlay waxyaabihii u soo qabsoomay iyo qorsheyaasha hadda lagu hawl gelayo.

Waxaa kale oo shirkaa lagu meel mariyay degmooyin ka tirsan Gobolada Bari oo lagu soo daray mashruuca horumarineed ee JPLG-ga oo ka bilaabmi doona bisha foodda innagu soo haysa ee 11-aad.

Waxaana lagu soo daray degmooyinka Ceerigaabo xarunta gobolka Sanaag,,Laascaanood xarunta gobolka Sool iyo Caynaba xarunta gobolka Saraar.

Ugu danbayn na waxa lagu lafo-guray kulankaasi mashaariicda horumarineed ee sannadkan ugu jira degmooyinkii uu mashruucu hore uga hirgalay iyo qorsheyaasha cusub.

Leave a Reply