Wasiirka Qorsheynta Somaliland oo Xaalad Caafimaad Kaddib Dalka ku soo laabtay

0
436

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Dr Cabdi Raxiin Cismaan Xaaji Cabdi (Shibiin) oo xaalad caafimaad kaddib dalka dib ugu soo laabtay ayaa shalay si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.

Waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb-galey, xubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaano, gudoomiyaha Baanka, masuuliyiinta maamulka heer gobol iyo heer degmo, shaqaala weynaha wasaaradda, salaadiin, cuqaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horeyn goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in markasta shirka golaha wasiiradda lagu so hadal qaadi jiray waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay wasiir soo dhawow, waxaa ILLAAHEY mahadii ah in adoo caafimaad qaba aad dalkaagii hooyop ku soo noqoto, maanta hadii ILLAAHEY ku keenay Doontii ayaynu wada fuuleyna hadii ALLAH yidhaaho sidii aynu u hogaamin laheyn Qarankan ee aynu u gaadhsiin laheyn hiigsigiisa shirka golaha wasiiradda ee madaxweynuhu hogaaminayo sheekadaadu kamay maqneyn, waad nala joogtey waanad naga maqneyd ”

Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waa wasiirkii Qorsheynta oo ILLAAHEY caafimaad ku soo celiyay ayaanu ku soo dhaweyneynaa garoonka diyaaradaha, waanu soo dhaweynayna wasiirka oo ku soo caafimaad noqday dadweynahana waxaanu leenahay u soo duceeya inkasta oo caafimaadkiisu taam yahay”

Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Dr Cabdi Raxiin Cismaan Xaaji Cabdi (Shibiin) ayaa bulshadii soo dhaweysay uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyaan waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta ku soo noqdo dalkeygii Hooyo oo aan mudo xaalad caafimaad uga maqnaa, ALXAMDULILAAH, ILLAAHEY-ba mahad iska leh, waxaan halkan uga mahad celinaya madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo mudadii aan xanuusanayay I ogaa, waxaa kale oo aan aad iyo aad ugu mahad naqaya shacabka reer Somaliland ee halkan igu soo dhaweeyay”

 

 

 

 

 

Leave a Reply