Way Fududay Inaad Dadka Kasbto!

0
511

Avram Noam Chomsky waa oday Maraykan ah oo dhashay sanadkii 1928 aqoon sare oo PHD ku qaatay falsafadda , aqoonta maskaxda iyo sida ay u shaqayso (cognitive scientis) wakhtigan ku sugan University of Arizona  ayaa qoraalo badan ka sameeyay xeelado dadka lagu kasbado oo  maskxadoodana hogaanka loogu qabto si dhib yar.

Waxaana uu sheegay  in dadka oo aqoonta iyo fikirka lagala dagaalamo ay tahay kuwa ugu muhiimsan, waayo marka dadku aanay aqoon lahayn fikirkooduna maaha mid shaqaynaya, waxaad u jeedina kartaa halka aad doonto, waxaana aad u maamuli karta sida aad adigu rabto.

Chomsky Wuxux yidhi “ Caamada waxba kama duwan caruurta, ma kala garan karaan inaad nacas tahay iyo inaad fariid tahay, waana inaad mar kasta ula hadasho sida aad adigu rabto, mar kasta u sheeg  been iyo mala awaal iyo sheekoyin samaysa oo khuraafaad ah” “Xataa haddii aad u sheegto waxaan dhici karin oo sababo ku qanciso way aaminayaan, waa inaad cabsi gelisaa taasi habka ugu fiican ee aad ku aaminsiin karto, waxa aad rabto”.

Wakhtigan waxa inoo soo baxaya kuwo shacabka ku cabsi gelinaya sheekooyin ay sameeyeen iyo in mustaqablku khariban yahay si aad ugu hogaansanto dano ay leeyihiin. Dal dhismay oo leh haykalka dawladnimo oo shaqaynaya oo aan dhib ku hayn bulshadiisa weeye. Qofka sheegaya hadalo aan caqli iyo xikmad ku  dhisnayn marka hore ayuu og yahay inaad adigu tahay Nacas aan fikir iyo caqli midna lahayn oo la gashan karo hadba wixii la doono.

 

Leave a Reply