Mucjisada Codka Iyo Faraha Aadamiga!

0
594

 

Waxa yaab noqotoy markii la ogaaday in faraha dadku aanay ahayn kuwo isku eeg.  Arintan ayaa noqotay ta kaliya ee lagu kala saaro dadka maanta markii cilmi ahaan loo ogaaday arinkaasi.  Waxa kale iyana cilmi baadhayaashu cadeeyeen inay farahu xidhiidh toos ah la leeyihiin dareenka guud ee qofka aadamiga ah.

Maaha muhimadda faruhu in dadka oo keliya lagu kala saaro laakiin arimaha muhiimka ee ay jidhka u leeyihiin waxa kale oo ka mid ah inay qayb weyn ka yihiin ilaalinta maqaarka qofka.

Arinkan xidhiidh la leh kala saaridda faraha dadka oo ah maqaarka sare, in la ogaado in aanay jirin laba qof oo farahoodu isku mid yihiin xataa mataanaha isku ugaxan kaliya ka wada abuurma ee isku eekaanshuhu weyn yahay. Ilaa hadda si fiican umay fahmin cilmi baadhayaashu mucjisdan waxse ay sheegeen inay tahay mid iyana la mid ah codka dadka oo isna ah mid aan is shabahin 100%  xataa mataanaha.

Diyaariye: Axmed Adam Cali (Haybe)

Leave a Reply