Afhayeenka Madaxweynaha oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixiyey Hadallo Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha WADDANI

0
458

“Madal Qaran, Shir Beeled iyo Guuro Bahalayn Hoose oo Reereed Somaliland Way soo Dhaaftay, Kuma Noqonayso” Afhayeenka Madaxwyenaha JSL

 

 

Hargeysa (Dawan)- Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu sheegay in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro been ka sheegay Xeerka doorashooyinka Somaliland, xeer Lr. 20/2001, kaas oo uu tilmaamay in aanu saxeexin isagu, balxe ay xaqiiqadu tahay in guddoomiye Cirro uu xeerkaasi saxeexay tiraba todoba jeer oo wax ka bedel lagu sameeyay isla markaana dib loo ansixiyay.

Waxaanu Afhayeenku ugu horrayn ka hadlay ujeedka uu saxaafadda isugu yeedhay waxaanu yidhi “Waxa aan isugu kiin yeedhay in aanu jawaab waafi ah ka bixino eedaymo ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro mar uu la hadlayey shalay warbaahinta dalka qaar ka mida waxa uu sheegay in aanu xeer Lr. 20/2001 aanu gudoomiyuhu saxeexin, sida uu hadalka u dhigayna aanu arag. Gudoomiye Cirro oo muddo dheer xilkaasi soo hayey xeer Lr. 20/2001, golaha wakiilada ee uu gudoomiyuhu, gudoomiyaha ka ahaa waxa la horkeenay todoba jeer, todobada jeerba waxa lagu sameeyey waxka bedel, isagaana gudoomiye ka ahaa golaha, todobadaa jeer waxay ku taariikhaysan yihiin:-, 09/04/2007, 13/09/2008, 18/07/2009, 10/05-2010, 07/12/2011, 18/07/2012 iyo 11/08/2012.

Todobadaa jeerba waxa ka bedel ayaa lagu sameeyey waxaana gacantiisa ku saxeexay gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani mudane Cabdiraxmaan, dhammaan dhukmantiyadaasi (Documents) kaasi keydka qaranka ayey ku jiraan oo waanu idin la wadaagi karnaa hadaad u baahataan.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wadata ayaa yidhi “wuxuu maanta ka hadlay gudoomiyuhu arrin aanay shacbiga Somaliland dhegehoodu jeclaysan dhawaaqeeduna uu dhiilo ahaa oo qarankani halka uu marayo iyo Meesha aynu ku socono iyo meeshaynu ka nimi midnaba aan midibkeedii lahayn, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in reer la bartilmaameedsanayo, in reero la beegsanayo, xaasha xukuumadda Somaliland waxa ka jirta xukuumad, waxa ka jira xilal qaran, waxa ka jira xasaanad, gudoomiye cabdiraxmaan gudoomiyihii wakiilada iyo gudoomiyahan uu hadda taladiisa hayo, wuxuu ku yimid kala danbaynta, dimuquraadiyada iyo doorashooyinka dalkeena ka hanaqaaday ee nidaamka axsaabta badan ee aynu samaysanay, gudoomiyuhu hayb iyo reero kumuu iman halkaa uu maanta joogo, hayb iyo reer lagagama riixin markii uu nasiib ku siiyey inuu gudoomiye golle noqdo, gudoomiye xisbina noqdo, balse siyaasadda Somaliland iyo hannaankaynu haysano ayuu ku joogay oo uu ku shaqaynayey imikana ku joogaa, Mudane Gudoomiye xisbigaaga waddani eed gudoomiyaha ka tahay dhammaan taageerayaasha iyo dadka taageersan iyo kuwii kuu codeeyey gobolada dalka Somalilandbay degan yihiin waana dad reer Somaliland ah, maaha reer, maaha hayb gaara, gudoomiye xisbiga qaran eed hoggaankiisa hayso reer dabada ha la gelin, astaanta qaranka ee xisbigu leeyahayna ha u muujin mid reereed”

Sidoo kale waxa uu afhayeenka oo hadalkiisa sii wada ayaa ka hadlay madal qaran oo uu ka hadlay gudoomiye cabdiraxmaan in laysugu yimaado waxaanu yidhi “madal qaran shir beeled iyo guuro bahalayn hoose oo reereed maanta Somaliland way soo dhaaftay, kuma noqonayso kuma laabanayso halka ay maanta marayso, goleyaal qaran ayeynu leenahay, golayaasha qaranka ayuu shalay gudoomiye cabdiraxmaan mid ka mida dhadhaarada qaranka ugu weyn oo gudoonka wakiilada ah uu soo hayey, maantana rag la mida ayuunbaa jooga ragii ay golaha wada joogeen uunbaa jooga, sidaa daraadeed madal shir qaran oo la isugu imanayo iyo madal beeleedyoo laysugu imanayo iyo mad-madow kale oo qarankan loo maleegaayo midna qarankan horumarkiisu maanta kuma jiro, golayaasha qaranka, xukuumaddaa talinaysa, hoggaaminta dalka oo qori isu dhiiba oo aynu halkan ku soo gaadhnay ayuunbaa qarankan ka shaqaynaysa, wixii intaa dhaafsiisan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa haddii lugta jeeniga la dhaafiyo wuu jabaa, wixii intaa dhaafsiisani wax soconaya maaha.

Ugu danbayntiina waxa uu afhayeenku sheegay in shacbiga Somaliland ay ka daaleen durbaanada qabyaalada iyo kala qoqobka bulshada, waxaanay u feejigan yihiin ayuu yidhi ilaalinta qarankooda, kuna hawlan yihiin horumarka dalkooda ka socda, iskaashigooda iyo horumarkooda.

 

Leave a Reply