Mudane Ciro: “U Diyaar Garow Masuuliyadda Natiijada Baaqa Aad Jeedisay”

0
595

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa taageerayaashiisa ku sugan Hargeysa u diray baaq uu kaga dalbaday inay isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga.

Baaqa Guddoomiyaha oo u muuqday mid ku yimid cadho, waxaa qodobkaas isu soo baxa ah weheliyay oo laba ku ahaa haddalkiisa shalayna ku jiray kalmaddo aan laga filayn oo Xisbigii Qaran ee Waddani u sawiray in loo diidan yahay hanaan beelleed.

Maxay ku yimaadeen

Intii ka danbeysay Doorashaddii Madaxtooyadda Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxaa uu ku jiray dagaal siyaasadeed, isaga oo muddo tilmaamayay in aanu ku qanacsanayn qaabka doorashadda oo uu intaanu gelin saxeexay. Mar kale, waxaa uu taagnaa Guddigga xeer beegtida ah ee Komishanka hala eryo, taas oo loo arkayay inay la macno tahay, mar haddii aan ka waayay hiil oo aan waayay Kursigii, ‘Dhan kastaba ha lagu qaddo.’ Mar kale, waxaa uu istaagay Sagaal xubnood guddiga doorashadda hala dhigo oo halii ay todobada ka ahaayeen wixii doorasho dalka ka dhacay oo dhan doorashaddan ugu danbaysay darteed, ha loo bedello. Xukuumadda iyo Madaxtooyaddu dedaal badan ayaa ay ka gashay arrintaas, waxaana aakhirkii la gaadhay heshiis qoran, waxaana la soo xullay guddi.

Arrintii mar kale guddoomiyaha waa u cuntami weyday, waxaana uu sheegay inuu dib ula noqday Xubintii uu soo Xullay, ka dib markii ay gaadheen golihii xaqa u lahaa.

Arrintaasi ugu danbeysay cabashadeeddu maalmahanba waa ay taagnayd. sibaabo kala duwan oo joogto ah ayaanay Xibiyadda mucaaradka ahi uga hadlayeen in kasta oo aanay ka midaysnayn.

Doraad ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland jawaab kooban ka bixiyay dooda mucaaradka.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibad uu ku daah-furay carwo dhinaca Caafimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa ugu horrayn, caddeeyey inaanay meelna kaga jirin heshiiskii ay saddexda xisbi wada saxeexdeen qodob sheegaya inaan la soo celin Karin xubnihii hore uga midka ahaa komishankii hore ee la beddelay “ Laba qodob bay sheegteen, mid waxay yidhaahdeen Komishankaa cusub ee la doortay la shaqayn maynno, waayo madaxweynuhu wuxuu jabiyey heshiiskii xisbiyada, xalaal iftin baa la qashaaye xisbiyada waannu heshiinnay, qodobka ay ku doodeenna waxa yidhaahdeen waxannu ku heshiinnay inaan xubnihii hore Komishanka lagu soo celin, haddii qodobkaas oo qoraal ah ay hayaan ummadda ha u soo bandhigaan, anigu qodobkaas ma saxeexin mana jiraan leeyahaye,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu digtaatooriyad iyo sharci-jebin ah ku tilmaamay go’aanka ay hoggaanka xisbiga WADDANI kaga soo horjeesteen ansixintii xubnaha komishanka cusub ay ku meelmariyeen golaha wakiilladu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa jira shuruudo lagu qiyaaso komishanka, haddii aan anigu qaldamo waxa iga dambeeya laba isbaaro oo kala ah guddi-hoosaadka Baarlamaanka iyo goleweynaha oo 82 qof ah, waa la gudbiyey oo intiiba way mareen oo guddidii way sii deysay Baarlamaankiinna wuu u codeeyey, yeelimayno ayuu WADDANI yidhi, digtaatooriyadda ka weyn Baarlamaanka yeellimaayo xaggee lagu arkay.”

Muxuu kaga jawaabay

Guddoomiye Ciro, markii cabashadiisii sidaas looga jawaabay kama uu haddal heshiiskii la yidhi ummada u soo bandhig. Balse, waxaa uu ka hadlay arrimo kale oo ay ugu mudan yihiin isu soo baxa iyo beelaha kala irdhayntoodda. Waxaa sidoo kale, uu ku dooday in aanu isagu saxeexin xeer lanbar 20/2001 aanu saxeexin, sidaas darteedna waxaa uu madaxweynaha ku eedeeyay in aanu xeerarka dalka aqoon.

Jawaabta

Afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa galinkii danbe ee shalay jawaab kooban ka bixiyay haddalka guddoomiyaha., waxaana uu waano ahaan ugu tilmaamay in uu ka daayo oo aanu nidaamka Somaliland qaadatay ka dhigin reero. “Guddoomiyenimmada Xisbiga kuma aad imman reernimo, Golaha Wakiillada oo aad Guddoomiye ka ahaydna kuma aad imman reernimo. Dadka kuu codeeyayna Dhamaan dalka oo dhan ayay degan yihiin. Markaa, Astaanta qaranka reer ha u celinnin.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaa kale oo uu tilmaamay in xeerka doorashada wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay illaa todoba jeer oo guddoomiye Ciro ku saxeexan yahay, sidaas darteed aanu ka gal-galan. Gabogabo

Muddane guddoomiye, Marka koowaad, haddii aad su’aashii madaxweynaha ee ahayd in aad keento heshiiska la jabiyay aad kaga hal celisay mudaharaad. Su’aashan labaad ee ka dhalatay saxeexyadaadda kaabista iyo wax ka bedelka xeer lanbar 20/2001 lagu sameeyay ee todobadda jeer ahaa. Fadlan ha kaga fal celinin dagaallama. Ta kale, ha ka shakiyin taageerayaashaada inta ay leeg yihiin. Waxaana diiwaanka kuu gashay in dadkii codeeyay aad ka heshay 40% iyo dheeraad, markaa, umma baahnid inaad ka dalbato inay isu kaa muujiyaan. Waayo, waa ku garab is taageen xiligii codaynta goob kasta oo dalka ah, waana la ogyahay, waanay kala cadaan doontaa doorashooyinka danbe dib u dhac iyo horumar midka aad sameyseen. Laakiin, haku kalifin inay suuqa yaacaan oo ha u quudhin dartay u shoobareeya ummada.

Ta kale, waad hubtaa in aynaan weli u bislaan mudaharaad salmi ah oo ay shacbigu kaga fal-celiyaan waxaa ay diidan yihiin. Waxaad ku baaqaysaa dhagaxtuur, hantida shacabka masaakiinta ah oo la boobo, iyo tan dawladda oo la burburiyo. Dawladdana masuuliyad ayaa ka saarran amaanka qaranka iyo inay ka hor tagaan wax kasta oo nabad galyadda waxyeelaynaya. Markaa, U Diyaargarow natiijadda ka dhalata Baaqa aad jeedisay inaad qaadato masuuliyadeedda.

 

 

 

Leave a Reply