“Umalayn Maayo in Wakhtigan Qori Xal Lagu Gaadhayo” Wasiirka Beeraha

0
437

Qore Khadar Cabdi Muuse

Boorama (Dawan): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa kula dar-daarmay bulshadda gobolka Awdal in ay dhinac uga soo wada jeedsadaan cid kastoo dhaawacaysa nabadgeliyadda lagu majeerto gobolkaasi.

Waxaanu u jeediyay reer Awdal in gobolkoodda lagu amaani jiray deganaan iyo nabadgeliyo jacayl, isla markaana iyadoo xiligan casriga ah la maray aan Qori la qaato xal lagu gaadhi karin, balse wixii la tabanayo si nabad ah lagu raadiyo.

Wasiirku waxa uu sheegay in cid kastoo nabad geliyo darro la timaadda ay xukuumadu gacan Birra ku qabanayso, bulshada reer Awdal-na looga baahan in ay iska qabtaan qofka khaldan ee wax u dhimaya sumcadii uu gobolku lahaa.

Axmed Muumin Seed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay kulan ay magaaladda Boorama kula yeesheen madax dhaqameedka Awdal wefti wasiirro ah oo uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Weftigaasi oo uu ka mid yahay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland oo afarti maalmood ee u danbeeyay ku sugan magaaladda Boorama.

Wasiirka beeraha oo ka warbixinayay u jeedadda socdaalka weftiga madaxweyne ku-xigeenku u joogaan Boorama waxa uu yidhi, “Intiina maanta (shalay) halkan joogta, ee odayaasha dhaqanka, waxgaradka gobolka Awdal, sababta uu madaxweyne ku-xigeenku isugu kiin yeedhay waxa weeye, wada tashi laga wada tashanayo arrimaha soo cusboonaaday ee gobolkan, ee ku saabsan dhinaca amaanka”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waad og tihiin hantida gobolka Awdal uu iibin jiray, ee uu mar walba ku faanayay ay tahay nabadgeliyadda. Waad og tihiin jaamacadda Camuud in ay tahay jaamacadda keliya ee marka Somaliland oo dhan la eego, dadka Soomaalida ku hadla oo dhami ay wax ka bartaan.

Ma aha jacayl ay dadku iska jeclaadeen Awdal, ma aha jacayl ay dadku iska jeclaadeen Boorama, ma aha jacayl jaamacadda Camuud la iska jeclaaday. Balse waxaas oo dhan waxa loogu soo hiranayay waa nabadgeliyadda iyo xasiloonidda, iyo soo dhawaynta shacabka reer Awdal lagu hayo ayay ahayd sababta loo imanayay” ayuu yidhi wasiirka beeruhu.

Geesta kale wasiir Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in iyadoo Boorama ku caan baxday magaalo degan oo amaan ah in mudooyinkan danbe ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo lidi ku ah nabadgeliyadda.

Sidaas darteedna weftiga uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenku ay u yimaadeen Boorama sidii arrintaa wax looga qaban lahaa. “Arrintaasi arrin aad u wanaagsan ayay ahayd. Laakiin, sida imika socota waxaad moodaa in haddii nabadgeliyo darro dhacdo in aanay Boorama sidaas sii ahaanaynin.

Sidaas darteed, weftigan uu madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo, waxaanu ku wada soconaa sidii gobolkan nabadgeliyadiisa aynu uga wada tashan lahayn.

Iyadoo cid nabadgeliyadda laga baryayaa aanay jirin. Nabadgeliyadda waxaa ka masuul ah xukuumadda, in ay iyadu cidii ka hor timaadda gacan Birra ku qabato.

Laakiin, hadana inteena halkaa joogta ayay saamayn doontaa, haddii meel wax ka dhacaan. Sidaas darteed-baa la isugu kiin yeedhay in talladeedda aad ogaataan” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Isagoo la dar-daarmayay madax dhaqameedkii iyo odayaashii madasha fadhiyay wax auu yidhi, “Waad og tihiin halka aynu marayno waa 2019-kii, umalayn maayo in wakhtigan Qori la qaato xal lagu gaadhayo. In Qori la qaato ma ahayn tallo aynu isku ogayn. Waana arrin gobolka-na ceeb ku ah, milgaha dawladnimada-na dhaawac ku ah weeye.

Maadaama aad odayaashii, madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii gobolka aad tihiin, in si aan dhib lahayn oo wanaagsan loo qabto, qofkii khaldan. Haddii qofka qaldan la qaban waayo, waa lagu raacsan yahay ayay noqonaysaa”.

 

 

 

Leave a Reply