“Maanta Lama Joogo Xilli Muddaharaad Lagu Baaqo” Cabdillaahi Cukuse

0
412

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in aanay jirin wakhti xaadirkan sabab mudaharaad looga sameeyo dalka.

Cabdilaahi Maxamed Daahir oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa intaa ku daray in aan loo baahnayn in dalka laga sameeyo Mudaharaad dad ku dhintaan oo khal khal geliya ammaanka dalka dadkana dhibaato ka soo gaadho.

Cabdilaahi Cukuse oo arrintaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradaka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro xaaladda uu ka hadlayo waa in uu si fiican uga hadlo sabab cad oo muuqata oo wax wayn oo inagu dhacay oo muuqata oo masiibo ah oo u gaar ah mujtamac deegaan gaar ah deggan u Muduharaada loo yidhahdo anigu ma arkayo, wax laga mudaharaado oo caykaas oo ah oo maqadiir ah oo innagu dhacday ma jirto .waana in xasiloonida Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ahi ka shaqeeyo waa waxaan halkan ku soo gaadhnay,Maanta xilliyo kaambayn ma joogno xili Doorasho ma joogno xilli laysku qabqabsado kursi ma joogno waxa aynu joognaa Dawlad laba sanno jirta oo Saddex Sanndood u hadhsan yihiin.”.

Cabdilahi Cukuse oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi“Xisbiyada Mucaaradka ee Doorashooyinkii lagaga guulaystay waxa weeye Wakhtigii ay dib isku soo kabi la haayeen ee ay isa soo dhisi la haayeen,Xukuumadduna ay horumar qaban la hayd laakiin haduu ku dhawaaqay Muddaharaad Guddoomiyaha Xisbiga Waddani umalayn maayo in uu sheegay wax cad oo qofka Bini aadamka ah ku riixi kara in uu Mudaharaado,waana mid dadka ka yimada Mudaharaadku culays ama Masiibo dhacday oo laga mudaharaado aniga iima muuqato dad hore ayaana innagaga dhintay Mudaharaadka maanta qaar kale oo inaga dhinta uma baahnin, ”.

 

Leave a Reply