Xoghayaha Golaha Guurtida oo Tababar usoo Xidhay Shaqaalaha Baarlamaanka

0
381

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xoghayaha guud ee Golaha guurtida Somaliland Cabdinaasir Aaden Beegsi ayaa usoo xidhay Shaqaalaha Golaha Guurtida tababar muddo laba cisho ah u socday oo kor loogu qaadayay aqoontooda.

Cabdinaasir Aaden Beegsi oo Xidhitaankii Tababarkan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shaqaalaha Baarlamaanku yihiin laf dhabarta Shaqada Golaha Guurtida, waxaanu intaa ku daray in tababarkan lagu sii xoojinayo Barnaamijka dib u habayta Shaqaalaha Baarlamaanka.

Cabdinaasir Aaden Beegsi oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Tababarkani wuxuu ku sahabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta Shaqaalaha Golah Guurtida Baarlamaanada Caalamka Shaqaaluhu waa laf dhabarta hawsha qabata,Mudaneyaasha Golaha Guurtidu waxa ay yimaadaan marka Xeerarka la sameeyo uun cidda ka soo shaqaysa ee ku soo dhabar jabta Xeerarka Golaha ee soo diyaarisaa waa Shaqaalaha Baarlamaanka.Qaran-na Horumar Ma gaadho haddaanay Shaqaalihiisu xirfad iyo Aqoon wanaagsan lahayn,dhamaan Agaasimeyaasha Golaha Guurtida waxa ay isla kaashadeen in la sii xoojiyo Aqoonta Barnaamijkii dib u habaynta Shaqaalaha Baarlamaanka la sii joogteeyo ,”.

Cabdinaasir Aaden Beegsi oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi “Shaqada aynu haynaa way ka muuqataa Shaqaalaha Baarlamaanka Golaha Guurtida waayo tababarro badan oo dib u habaynta Shaqaalaha Baarlamaanka ah ayaynu samaynay waxaanu Qaranku ku tisqaadayaa taas oo la sii joogteeyo, waxa jirta in Doorashooyin innagu soo fool leeyihiin oo isbedel ku iman doono Barlamaanka oo Doorashooyinku hadday Dhacaan Baarlamaan cusub iman doono.”

 

 

 

Leave a Reply