Difaaca Eedaysanaha Ayuu U Dhintay!

0
508

Clement Valantegam wuxu ahaa qareen iyo siyaasi caan ah wakhtigii uu xukumi jiray Abraham Lincoln dalka Maraykanka isla markaana madaxweynaha ayuu si aada uga soo horjeeday.

Garyaqaanka  ayaa maalin isagoo difaacayay nin dil geystay maxkamada dhexdeeda sameeyay arrin yaab leh.

Clement aya ku doodayay in ninkan dhintay iskii isu dilay isagoo aan filayn inuu dhimanayo. Arrinkaasi ayaa maxkamadda dhexdeeda doodi ku dhex martay isaga iyo looyarkii isana ninka la dilay u doodayay oo la odhan jiray Mottagmassa. Isagoo ninkani sheegay in aanu is dili Karin ee uu yahay mid uu dilay ninka uu difaacayo garyaqaan Clement.

Clement aya markaasi doodiisa ku adkeeya tusaalana ku bixyay isagoo bastooladiisa lugtiisa ku toogtay. Waxaana uu yidhi sidaasi ayuu sameeyay ninkani dhintay wayna dhacaysa, ha odhan ma dhacayso. Laakiin nasiib daro Clement xabadaasi rasaasta ee uu tusaalaha ku bixiyay ayuu u dhintay, ka dib markii uu dhiig baxay waxaana la sii daayay ninkii denbiga dilka lagu haystay

Leave a Reply