Shirkad Kanada Laga Lee Yahay Oo Soo Saartay Gaadhi Duulaaya

0
481

Shirkad laga lee yahay wadanka Kanada ayaa markii ugu horeysay soo saartay  Gaadhi awood u leh in uu Duulimaad sameeyo, Gaadhigan ayaa lagu magacaabaa Blackfly , waxaana samaysay shirkadda lagu magacaabo  Opener  oo laga lee yahay dalka Kanada .

Gaadhigan ayaa lagu sameeyey  tijaabooyin gaadhaaya 1400 oo tijaabo, kuwaas oo lagu sameeyey intii aan la shaacin  soo saarista gaadhigan , waxaanu tijaabadaasi ku duulay masaafo dhan  20,000 oo km, iyada oo ay shirkaddu gaadhigan ku samaysay tijaabooyin kala duwan oo dhinaca badda iyo berrigaba ah.

Gaadhigan oo Beri Biyood ah ayaa awood u leh in uu fadhiisto Badda iyo Berigaba, waxaanu gaadhigan Black Fly kor u kici karaa 1 km oo kor ah , ilaa haddana waxa awood u leh in uu kaxaysto ama raaco qof keliyaata, waxaanu culayskiisu gaadhayaa gaadhigan diyaaradda ah 114 kilo garaam ilaa 113 kg,.

Gaadhigan Black Fly waxa uu lee yahay qayb  kaydka Falaadhaha cad ceeda ah, kaas oo awood u siinaaya gaadhigan in uu ku socdo tamartaasi masaafo dhan ilaa 40 km ilaa 72 km/saacadiiba,waxaanu u kala gooshi karaa dhamaan goboladda dalka Maraykanka.

Qofka gaadhigan darawalka ama duuliyaha ka noqonaaya ayaa maraaya Hay’adda duulimaadyada ee dalka Maraykanka, waxaanu ruqsada kaxaynta gaadhigan ka qaadanayaa hay’addaasi oo imtixaan ka qaadaysa, iyada oo gaadhigan la fadhiisinaayo meelaha Madaaradda ah iyo wadooyinka banaan.

Waxa kale oo laga ilaalinayaa meelaha hawadu xun tahay ama jawigu xun yahay, waxa sidoo kale laga ilaalinayaa guryaha aadka u dhaadheer ee aanu kor uga kici Karin, iyada oo guryaha dhexdooda iyo dushooda la fadhiisin karo.

Gaadhigan ay soo saartay Shirkadda Opener ayaa dhowaan la filayaa in uu suuqyada soo galo, iyada oo qofka kaxaysanaaya muddo tabobar lagu siin doono habka uu u kaxaynaayo, waxaana imtixaanka ugu dambeeya ka qaadayaa dadkaas Hay’adda duulista hawada ee dalka Maraykanka iyo ta Kanada.

Sidoo kale waxa gaadhigan loo sameeyey goob sida kaalmaha shidaalka oo kale ah, taas oo ay ka qaadan karto diyaaradan yari Shidaal ama Tamarta Cadceeda oo kayd ah.

Gaadhigan ayaa marka uu fadhiisanaayo u fadhisanaaya sida Dalaayada oo  kale ama Barashuudka oo kale, iyada oo qiimaha gaadhigan sida diyaaradda u shaqaynaaya ayaa lamid ah qiimaha gaadiidka kale ee Duulaaya ama soconaaya.

Leave a Reply