Basaaskii Dabaasha Siraha Ku Gudbinayay!

0
536

Ciidanka Amaanka Masaarida ayaa xidhay bishii August 1997,  Samir Cusman isagoo wakhtigaasi ku jiray hawl sirdoon oo ugu adeegayay Israa’il. Wuxu xidhanaa suunka dabaasha, waxaan uu wakhtigaasi doonayay inuu dabaal iskaga gudbo Masar iyo Isra’il, taasi oo ahayd caado u lahaa, waxaana uu kula kulmi jiray Madaxa Hay’adda sirdoonka Yuhuudda ee Mosad magaalada xeebta ah ee Daba. Basaaskan ayaa sheegay in biyaha hoostooda uu dabaalan jiray sidaasina uu ku gudbin jiray sirta qarankiisa.

Markii ciidanka amaanku waraysteen isla markiiba waa uu qirtay inuu la sheqeeyo MOSAD Yuhuudda isagoo cadeeyay in shaqada la qoray sanadkii 1988.

Waxaana uu sheegay inuu gacan ka geystay shaqo qoridiisa sarkaal ka tirsan sirdoonka Isra’il.  Wakhtigaasi ayuu Samiir ka tegay shaqada Istaratajiyada Ciidanka Masar.

Wuxu qirtay inuu siro badan u gudbiyay Israa’il, isagoo safaro ugu kala baxay dalalka Giriiga, Sudan, Libiya,  iyo Isra’il.

Waxaan uu sheegay inuu haysto afar basaboor oo uu u adeegsado safaradiisa oo dhamaantooda ay yihiin kuwo ka soo baxay xafiisyada sharciga ah ee dalalkaasi. Waxaana uu cadeeyay inuu u adeegsado hadba dalka uu rabo inuu hawl ka soo fuliyo. Markii gurigiisa la baadhayna waxa laga soo saaray  qalab badan oo loo adeegsado basaasidda iyo sirdoonka. Maxkamadda dalakasi ayaa ku xukuntay xabsi daa’in , iyadoo uu ka badbaaday in dil lagu xukumo.

 

Leave a Reply