Wasiirka Maaliyadda oo ka Hadlay Ahmiyada ay Dalka u Leeyihiin Warshadaha.

0
466

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay ahmiyadda uu dalka u leeyahay wax soo saarka Warshaduhu.

Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyay munaasibad shalay lagu soo bandhigayay wax soo saarka Wershadaha ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan 27 wershadood, waxaanu intaas ku daray in loo baahanyahay in la soo saaro dad farsamo yaqaana oo ka shaqeeya wershadaha dalka ka jira.

Sacad Cali Shire oo arrimahaas ka hadlayayna waaxa uu yidhi“Wadanba Wadanka uu ka hodansanyahay ee ka Wershado badan yahay ayuu ka wax soo saar badanyahay taas ayaa tusaale u ah ahmiyadda iyo Qiimaaha ay Qaranka u leeyhiin Wershaduhu,Warshaduhu waa meelaha ugu tayada badan ee wax soo saarka qofka ka Shaqeeyaa Warshadaha wuu ka mushahar badanyahay qofka ka Shaqeeya meelaha kale faraqa u dhaxeeyaa waxa uu kuu tilmaamaya tayada wax soo saarka Wershadaha.Wershadaha dalka ka jiraa 27 Wershadood Daraasad la sameeyay Sannadkii 2015 tii ka hor waxa ay ahaayeen Warshaduhu 25 Wershadood,markaa guud ahaan afartaa Sannadood labo Wershadood ayaa inagu soo biiray.”.

Sacad Cali Shire oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi “Markaa waxa aad moodaa in uu gaabis ku jiro xawliga ay ku korayaan Wershadaha dalka laga hirgalinayaa.waxaana boqol kiiba konton soo saaraan Wershaduhu Sharaabka iyo Biyaha boqol kiiba 29 waxa ay soo saaraan balastiga,waxaana aynu u baahanay hadaynu nahay dawladda in aynu yeelano qorshe u gaara Wershadaha oo Xoojinaya oo tilmaamaya Sannad walba inta Wershuduhu ku kordhiyaan ee ku soo biirinayaan Dhaqaalaha dalka.waxaana aynu u baahannay in hoos loo dhigo Dhaqaalaha ku baxaya marka la bilaabayo Wershadaha, waxaana ka taagan xaga farsamada cabasho badan waxaanan u baahannahay sidii aynu usoo saari lahayn dad farsamo yaqaana oo ka Shaqeeya Wershadaha,”.

 

 

Leave a Reply