Hay’adda Shaqaalaha oo Golaha Wasiirada Horgeysay xeer Mideynaya Shaqaalaha Dawladda

0
600

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa caddeeyay in ay golaha wasiiradda horgeeyeen xeer mideynaya shaqaalaha dawladda.

Waxaanu tilmaamay inay ku saleyeen aqoon iyo xigmadd iyo cilmi, garasho iyo waayo aragnimo iyo duruufihii dalka soo marnay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ay hirgaliyeen xeerkii hawlgabka shaqaalaha, kaasi oo uu farta ku fiiqay in aan cidna leyska eryi karin, waxaanu sidan ka sheegay warbixin uu shalay siinayay guddida joogtadda ah ee golaha guurtidda Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe ugu horreyn waxaa uu warbixin ka siiyay hawlaha ay Qaranka ugu igman tahay hay’addoodu waxaanu yidhi “Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxaa ay u jirta ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo xaqa shaqada, shaqaalaheenu waa awooda wax-soo-saarka in aynu xuquuqdooda illaalina waa innagu waajib, Diiniyana waa waajib ILLAAHEY ina farayo dhaqankeenana iyo shuruucdeenuna waa ay ina fareysaa, marka qofka mushaharkiisi iyo daryeelkiisi la ilaaliyo waajibka uu inagu leeyahayna waa in uu shaqadii ka soo baxo oo adeegii bulshadiisa iyo Qarankiisa uu u qabanayay uu horumariyo”

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa cadeeyay in ay golaha wasiiradda horgeeyeen xeer mideynaya shaqaalaha dawladda isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Xeerkan cusub ee golaha wasiiradda horyaala waxaa aanu ku saleynay si aqoon iyo xigmadd iyo cilmi, garasho iyo waayo aragnimo iyo duruufihii aynu soo marnay ayaanu ku saleyney, maaha mid aanu xiisahayaga ku saleyney, iyo jaceylkayaga waayo Qarankeena, ummaddeena carruurteena ayuu u daneynayaa intiina halkan fadhida berry ka maalin waxaa laga yaaba inay shaqaale noqdaan ama agaasimayaal iyo isu-duwaayaal noqdaan, mid ka mida ubadkoodu mustaqbalka, annagu waxaa aanu u soo diyaarinay oo golaha wasiiradduna ay u eegi doonaan sidii aanu u aragney ee ugu wanaagsaneyd waanu soo geliney waxaa aanu ka reebnay oo kaliya xubnaha sharci ahaan ku yimid ama doorasho, sida golaha wakiiladda iyo guurtidda, golayaasha deegaanka, wax alaale wixii kale ee hay’addo dawladeeda waanu hoos keenay qaarba u baahan sida baanka oo kale in sharci la siiyo oo xad yeesho anana aanu xad yeelano xeerba kaasi qeexi doona.

Laakiin hadii ay tahay shaqaalihiina kuwa Baarlamaanka waanu soo wada geliney in xeerkaasi si guud u koobaayo, hadaad hadhaw ka saareysaan anaga ha nagu cannaananina idinka ayay idin hortaala ILLAAHEY-na idinka ayuu idinku eegayaa, anagu waajibkii xaqa ahaa ee aheyd in aanu illaalino xuquuqda shaqaalaha waanu soo geliney, xeerkii hawlgabkana waa hirgaliney oo in aan qofkii leyska eryin, in maamul daadejin la sameeyo”

Leave a Reply