- Iska jir dadka mar kasta ceebaha dadka sheega
- Guushu waa arrin si adaga lagu gaadho
- Samir , xikmad iyo cadaalad samee adiga oo awood leh, iska saamax oo cafi dadka adigoo aarsan kara.
- Kuwa fashilma waxa sabab u ah waxay ka baqaan tijaabada.
- Ma jiro qof sabool ku noqday sadqad uu bixiyay.
- Odhaahda xumi waxay ka soo baxdaa caqliga xun
- Aduunyadu waa dugsi, maamulaheeduna waa wakhtiga, maclinkeeduna waa Qadarka ardayduna waa dadka.
- Weliga xasadka iska jir, maxaa yeelay inaad bakhtiiso shamaca qof kale , iftiin u kordhin mayso shamacaaga.