Taliyaha Booliska Somaliland oo Amar ku Bixiyey in la Buufiyo Qolalka Saldhigyada

0
587

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland sareeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa amar ku siiyey ciidamada in ay buufiyaan qolalka Saldhigyada, si looga saaro Cayayaanka dadka ku cuna

Waxa u sidoo kale ciidamada Bilayska usoo jeediyey in ay saaxiib dhow la noqdaan maxaabiista jeelasha ku xidhan si marka uu baxo uu arko in ay caddaaladii jirto.

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale waxaa uu sidan ka sheegay kormeer uu maalmihii u danbeeyey ku soo maray qaar ka mida saldhigyadda booliska ee goboladda Barriga Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland sareeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa amar ku siiyey ciidamada in ay buufiyaan qolalka Saldhigyada, si looga saaro Cayayaanka dadka ku cuna waxaanu yidhi “Waa in maxbuuska si wanaagsan oo qurux badan loo hayaa, talaabadda ugu horeysa ee aynu qaadaneynaa waxaa ay tahay in la buufiyo cayayaanka ku dhasha goobaha ay ku xidhan yihiin maxaabiistu, qof jeelka ku jirana in aanu Bahal cuni karrin waa mabn uuc, qofka barri ayaa la sii deynaya waa inaadeerka, waa adeerka, waa qof Islaama, wuxuu doono ha ahaade waa qof meeshu doono ka yimid, qofkani xoriyadda uunbaad ka qaaday ee adiga yaa ku yidhi Bahal cunsii? Adiga yaa ku yidhi intuu bukoodo dhakhtar ha geynin? Adiga yaa ku yidhi ehelkiisa ha tusin? Adiga yaa ku yidhi muda dhaafi? Waar xata ina ragg ayeynu nahay ee dadka waala wacyigeliyaa, Saldhig kasta waan tagey waxaan idhi maxaabiista ii soo dareeriya, qofkastana waxaan weydiiyey waxaa uu u xidhan yahay, saldhiga Burco waxaan kula kulmay mid iska xidhanuun, ninka sarkaalka laga rabba, xidigluhu laga rabba, isbitooraha laga rabba, askariga xataa laga rabba, qofkii maxbuuska ahaa waxaa uu soo baxaya isaga oo arka caddaaladii, isaga oo arka inaad dhawreyso qofkii kalana waateynu sheegnay, Baadhuhu masuul maaha ee Taliyaha saldhiga ayaa masuula, kiis marka uu qoro madaxa baadhuhu taliyaha saldhiga waa inuu marriyaa.

Qaadka joojiya oo hadii aydaan deyneyn saddexdii qodob ee aan wareegtadda ka soo saaray ninka lagu qabto anigu maxkamadd ayaan saaraya, ragga halkani fadhfadhiya iyo ragg kaleba cidii aan tababar hore soo qaadan dugsiyadda ayaa la geynaya, oo tababar ayaa la siin doona, askarigii la yidhaaho waxaasu muteystayna in aan kor u qaado oo aan dhiirigeliyo, oo darrajo aan ku dhiirigeliyo ama kharash aan ku dhiirigeliyo, qoys wanaagsan oo isbadela ayaa la doonaya”

 

 

Leave a Reply