Gudida Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa oo Guddoomiye cusub u Doortay

0
568

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Gudida  Maamul  Wanaaga iyo  la Dagaalanka  Musuqmaasuqa  Somaliland  ayaa  Guddoomiye  cusub u  doortay  Dayib  Aadan  Xaaji  Cali oo  ka mid ahaa  xubnaha  Gudidaas.

 

Xubin  ka  mida  gudida  Maamul  Wanaaga iyo  la Dagaalanka  Musuqmaasuqa  oo ah  xubinta  ugu  da’da wayn   Cabdiqaadir  Xaaji  Ismaaciil   ayaa   sheegay  in  Guddoomiye  ay u  doorteen Dayib  Aadan  Xaaji  Cali.waxaanu  yidhi“Waxa  aanu   halkan   Guddooomiyaha  cusub  ee  Gudida  Maamul  Wanaaga  iyo  la  Dagaalanka  Musuqmaasuqa   ugu   dooranay  Dayib  Aadan  Xaaji  Cali,annagoo  uga  dan leh  in  aanu  dardar  galino  Shaqada  aanu u xil Saarannahay ee  Qaranka   sida  uu na  farayo  xeerka  uu ku  aasaasanyahay  Gudida  Maamul  Wanaaga iyo la Dgaalanka Musuqmaasuqa  sidaas  ayaanu  ku  dooranay  Guddoomiyaha  cusub,”.

Sidoo  kale  Guddoomiyaha  cusub  ee  Gudida  Maamul Wanaaga  iyo la Dagaalanka  Musuqmaasuqa  Somaliland  Dayib  Aaden  Xaaji Cali  ayaa    soo    dhaweeyay    Guddoomiyenimada  loo  doortay.waxaana  uu yidhi“Waxaan  uga  Mahadnaqayaa  Gudida  Maamul  Wanaaga  iyo  la Dagaalanka  Musuqmaasuqa   Somaliland   ee   ii  doortay in  aan  noqdo    Guddoomiyaha  Gudida  Maamul  Wanaaga iyo  Dagaalanka  Musuqmaasuqa  Somaliland,sida  uu dhigayo  Xeerka  gudidu  anna  waxaan isku  dayi  doonaa  masuuliyadda ay ii igmadeen  in  aan  sideeda uga soo baxo waana  waajib  qaran  wada  shaqayntii  gudida  ayaanu  dardar  galin  doonaa Hay,adaha  dawladda  oo dhanna   Maamul  Wanaaga  ayaanu  ka wada  shaqaynaynaa,”.

Leave a Reply