“Ummadaha Marka la Qabsanayo Dalalkooda iyo Duunyadooda Caqligaa Lagaga Soo Duulaa oo Maandooriye lagu sii Daayaa..” Sheekh Dirir

0
723

Hargeysa-(Dawan):- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada uga digay wax kasta oo caqliga dooriya iyo duulaanka maskaxeed ee lagu soo qaaday dhallinyarada ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Qudbaddii Jimcaha ee shalay ayuu Sheekhu kaga hadlay sida Diinta Islaamku u illaalisay caqliga iyo sida looga digay in caqliga la dooriyo oo maanka maan dooriye lagu sakhraamiyo.

Waxaa kale oo uu aad ugaga hadlay qudbaddii shalay sida loogu baahan yahay in laga hor tago waxyaabaha bulshada diinteeda lagu dhaawacayo ee maanka lagu dhalan rogayo.

“Ta koowad, derejada Caqligu ku leeyahay Islaamka dhexdiisa, miisaanka Islaamku u yeelay iyo siduu u qiimeeyey. Arrinka labaad, waxyaabaha Caqliga khatarta geliya ee Islaamku inna faray inaynu ka ilaalino. Arrinka saddexaad, waxyaalaha lagu ilaaliyo Caqliga Muslimka xalkeeda.

Diinta Islaamku derejo weyn ayey siisay Caqliga, waa minqiyaaska loo eego qofka marka xil la saarayo, shuruuda qofka lagula xisaabtamayo marka xil la saarayo waa inuu Caqli iyo Garaad leeyahay, oo miyir qabo, wax garanayo. Siduu doono qofku jidhka ha ugu xoog badnaado, hadduu Caqli la’yahay, xil looma dhiibo, mana tashado waa loo taliyaa, sidaa ayuu Caqligu ku noqday nicmooyinka ILLAAHAY SW bixiyo kuwa ugu sarreeya. ILLAAHAY SW isagoo innoogu manno sheeganaya, waxuu yidhi, “Waxaad dhalateen idinkoo waxba maqlayn, waxba arkayn, oo garanayn, intaba ILLAAHAY  SW ayaa idiin dhamaystiray, ILLAAHAY SW inaad u mahadnaqdaan ayaad mudan tihiin.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Islaamku Caqliga ku daray shanta waxyaalood ee Diimaha oo dhan u yimaadeen inay dadka u ilaaliyaan, waxaanu yidhi,

“Arrinka labaad ee Islaamku waxuu ku qiimeeyey Caqliga, ILLAAHAY SW aad ayuu uga digay, Rasuulkuna CSW aad ayuu ugu sharxay axaadiista. Arrimaha ILLAAHAY SW diiday waxa ugu horreeya khamriga, waxaanu yidhi ka durka, si aad u liibaantaan. Hadii dadku bilaa caqli isu baxaan liibaan adduun iyo mid aakhiro ma jirayso.

Arrinka saddexaad, Caqligu inuu daliilka raaco ayuu sharcigu faray, iskana ilaaliyo waxii ka durugsan, sida daba-socodka indho-la’aanta ah, khuraafaadka, dadka jahliga ku sifaysan oo qofku daba galo. Ilaahay SW waxuu eedeeyey gaaladii Carbeed ee odhan jiray waxaan dhaqankan ka soo gaadhnay Aabayaasheen, oo waa caado, oo ma khilaafayno.

Siyaabaha Islaamku Caqliga u qiimeeyey waxa ka mid ah, waxuu ugu yeedhay inaynu Caqligeena ku eegno, ku fahamno oo kaga faa’iidaysano Aayadaha Kawniga iyo kuwa Qur’aaniga, waxa lagu fahmaaa Caqliga, ummadana looga faa’iidaynayaa. Ilaahay SW aad ayuu Quraanka inoogu celcelinayaa “Duruus iyo cilmi ayaa ugu sugan Cir iyo Dhul-ba kuwa Caqliga leh.”

Islaamku aad ayuu ugu dedaalay Caqliga, waxuu inna faray inaynu cilmiga korodhsano, si Caqliguna u kobco. Waa shayga keliya ee Ilaahay SW Rasuulka CS faray inuu baryo “Waxaad tidhaahdaa Ilaahow cilmiga ii kordhi”. Rasuulku CS qof kastoo muslim ah waxuu faray inuu cilmiga barto, xadiis saxiix ah “Qof kasta inuu barto cilmiga samaawiga wax kaga ansaxayaan waa faral”

Caqliga keligii islaamku waxuu xusay inuu nuqsaan yeelan karo, sidaa daraadeed, waxuu faray in Cuquusha la isku daro, si ay isugu tagaan oo u weynaadaan, oo wax waafi ah u soo saaraan, la isku celceliyey. Ilaahay SW waxuu inna faray wadatashiga. Wadatashiga waxa la yidhaahdaa si cuquusha loo kobciyo, caqliyo badana isugu yimaadaan, Ilaahay SW wuu ku amaanay Muslimiinta inay wada tashadaan, Rasuulku CS isagoo waxyi ku soo degayo, ayuu waxii aan waxyi ku soo degin saxaabada, rag iyo dumar-ba kala tashan jiray, sida marar arrin xaasaskiisu soo jeediyeen uu qaatay, ummadiina xal u noqday, sida Umu Salama.

Casrigan aynu joogno Culimada Islaamku marka ay xalinayaan masalooyinka cusub ee casrigan soo kordhay fiqiga iyo axkaamta, qof keliya ma ijtihaado, ee ijtihaad jamaaci ah ayaa la soo saaraa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey waxyaalaha Caqliga fasahaadiya ayaa sheegay Caqliga markuu Islaamku inoo ilaalinayey waxuu inna faray inaynu ka ilaalino waxii waalaya,

“sida mukhadaraadka, ama maandooriyaha mid qoyan iyo mid qalalan intaba, mid la cabayo, ama la urusanayo ama noocu doonayo ha ahaadee. Nebigu NNKH xadiis saxiix ah waxuu ku sheegay “Wax kastoo Caqliga dooriya waa khamri, wax kastoo caqliga dooriya waa xaraam” waxa soo gelaya wax kastoo Caqliga dooriya, tubaako, qaad, khamri, daroogada noocyadeeda kala duwan dhamaan qaacidada ayaa la siinayaa. Marka baadhitaan cilmi ah lagu sameeyo, waaqicigana lagu eego, maanka dadka wax ma u dhimaa, haba yaraatee dadka qaarkood, hadii laga helo shaygaasi waxuu noqonayaa jariimad iyo dembi, taasoo Islaamku ka duulayo sidii Caqliga loo ilaalin lahaa.

Arrinka labaad oo soo badanaya, dadka qaarkood diintaa celisa, dadka qaarkoodna awooda xukuumadeed ayaa celiya, marka la waayo cid wax ka celisa, caqligoodana xukumi waayo waxaasi hore ayuu u socda, ka dibna marka ummadaha la qabsanayo dalalkooda iyo duunyadood Caqligooda lagu duulaa oo maandooriyaha lagu sii daayaa, sidii Shiinaha markii reer Galbeedku weerarayeen mukhadaraadka loo adeegsaday.

Waxyaalaha Caqliga fasahaadiya ee laga ilaalinayo waxa ka mid ah khurafaadka sixirka iyo waxa isticmaalaan ee la aamino ee dadka maankooda lagu dooriyo. Sixirku markuu ummad soo dhexgalo waxuu tilmaamayaa inay diintii ka durkeen. Reer Banu Israa’iil ayuu ILLAAHAY SW ka waramay, markii ay diintii tureen inay ku bedesheen “Sixirkii ayey dadka barayeen” kaa soo qaadashadiisu sheegayso diin la’aan, ka adeegsanaya, ka u tegaya, ka caadaysanaya, iyo ka macaashka ka helayba intaba, casrigana way badan yihiin, waxa qoysas badan kala eryaya waa sixirka, jaarka isku diraya, shuraako badan kala eryaya, xigtada isku diraya. Dad sixroolayaal ah ayaa awliyo loo haystaa oo itaal iyo awood dad ka dayeen, kuna warwareegayaan oo aduun badan ku baxaa. Caqligeeni oo dhoofaya ayeynu aduun ku iibsanaynaa. Dadkaa sixroolayaashu way soo badanayaan, waana dariiqo ay ku shaqeystaan, waana wax u baahan hadday ALLE ka cabsi ka tageen oo iimaan beeleen, ilayn wuu gaaloobayaaye, talaabo ayey u baahan yihiin in laga qaado, oo xukun lagu fuliyo inta la daba galo. Awooda lagu isticmaalayo qolyaha argagaxisada waa in loo adeegsado sixroolayaasha, iyagaa argagxiso dhab ahe. ILLAAHAY SW ayaa tilmaamay in ummadu marka ay waxyaalaha isticmaalayaan in liibaan ka dheer tahay “Meel kastoo uu istaago ma liibaano sixirle, isaga iyo dadka u tagaaba, ILLAAHAY SW ayaa lagaga gaaloobayaa. Qofka marka loo sheego ee looga digo haduu isticmaalo diinta wuu kaga baxayaa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey Khataraha Caqliga ayaa sheegay inay ka mid yihiin duulimaadka Caqliga waxyaalaha la yidhaahdo, ama dadkoo Caqliga laga xado,

“hadday madax yihiin ama raciyad ama dhaliyaro, qofkoo isa-saluuga ama is-waaya oo kalsoonidiisa qof kale siiya, dalkiisa, diintiisa, dadkiisa kuma kalsoona, meel kale ayuu u aftaagayaa, eegayaa oo arrin bidayaa, weliba shisheeye, waa nasiib darro aad iyo aad u weyn, waa qofkii ama ummadoo nafahooda ku kalsoonaan waayey, taasina waa midka ay aad ugu dedaalaan nimankii dadka gumaysan jiray, markii ay ka tageena lug ku soo fidiyey. Nebigu NNKH wuu inooga digayaa, ka horna Quraanka inooga digay, Ilaahay SW waxuu yidhi, “Weligood dagaal ayey idinku wadayaan, si ay diinta idiinka saaraan, hadday karaan” ilaahay wuu idiinka ilaalinayaa, idinkuna iska ilaaliya. Ilaahay SW waxuu yidhi “Marnaba Yuhuud iyo Nasaaro inay kaa raali noqdaan ha eegina, ilaa aad diintooda raacdo” tanaasul kasta same. Nebigu NNKH isagoo inooga digaya waxuu yidhi, “Yuhuuda iyo Nasaarada waad dabagelaysaan, taakada ay qaadaan, meesha ay galaan iyo god kasta waad ka daba gelaysaan” waa taa aynu arkayno maanta wax walba xagooda, halkii ILLAAHAY SW  la eegi lahaa, iyagaa la eegayaa, da’yarteenii waa kuwaa Caqligii laga xaday. Baraha bulshada waxa ku jira qolyo fikirkooda badinaya oo la yidhaahdo Tansiiq, dadkoo diinta kiristaanka loogu yeedho, iyadoo adduunyo iyo afkaar kala duwan la isticmaalayo, xayeysiis. Waxa ka mid ah Calmaaniyada waxa la yidhaahdo, oo dadka laga dhaadhiciyo in diinta iyo dawladnimada la kala saaro, waxa ka mid ah , dadka odhanaya wax walba waa mubaax, ereyga xorriyad aad loogu celceliyo. Dadku xaq ayey u leeyahiin inay xor noqdaan, laakiin waa inaan xuduuda sharciga la dhaafin. Waxa ka mid ah Ilxaadka, Mulxidnimada waxa la yidhaahdo, way soo badanayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo weliba aqoonyahan sheeganaya oo Master ama PHD sita oo diinta islaamka ka baxay, baa jira oo ku doodaya Ilxaadka? Ilxaadka maxaad ka taqaana waa ILLAAHAY oo la yidhaahdo I tus oo I taabsii? Waa tii shuuciyada oo xaga kale loo  dhigay oo dhinaca Galbeedka innaga timi, qofkii aqoon ayuu is-bidayaa, caqli baan leeyahay ayuu ku doodayaa, Ilaahay baabu haysaa, Ilaahay SW maxuu sidan u yidhi? Miyaanu dadka ka gardarnayn? Quraankii buu durayaa? Markaa Ilxaadku waa wax soo badanaya oo weliba baraha bulshada dhaliyarada ku duufsan karaan, loona baahan yahay in laga digtoodaado.

Siyaalaha Caqliga loogu soo duulay waxa ka mid ah Firaqu-daala, qolyo Islaam sheeganaya, laakiin waxay wadaan baadi tahay khawaarijta, shiicada, Quraaniyiinta, qolyo sheega inay Quraanka keliya adeegsanayaan, axaadiista Nebiga NNKH diida, waayo Nebigu bashar ayuu ahaa innaguna bani’aadam ayeynu nahay, marka ILLAAHAY SW ayaa inoo dhex ah Rasuulada CS innaga jooja? Daaqada ayey ka tuurayaan xadiiska Rasuulka CSW oo diinta badhkeed ah, qolahaasi way soo badanayaan, mid walba wuxuu u baahan yahay muxaadaro iyo sharax dheer waddooyinka ay maraan.”

Leave a Reply