Golaha Wakiiladda oo Kulan la Qaatay Gudidda Qandaraasyada Qaranka

0
427

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddida joogtadda ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa warbixin ka dhageystay guddida Qandaraasyadda Qaranka.

Kulankan oo ahaa mid u reebana guddida joogtada ee golaha wakiiladda iyo guddida Qandaraasyadda Qaranka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta la wadaagey waxyaabihii lagaga wada hadlay, kulkankaasi ee diiradda lagu saaray xildhibaan xildhibaan Ibraahim Caraale Cabdi (Ibraahim Ruush) ahna xubin ka mida guddida joogtadda waxaanu yidhi “Gudidda joogtadda ah ee golaha wakiiladdu waxaa ay kulan xog-warana la yeelatay guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland, taasi oo aanu wax ka weydiineynay shaqada ay Qaranka u hayaan.

Waxaa aanu la kulaney guddida Qandaraasyadda Qaranka oo dhab ahaantii halbowle u ah hay’addaha Qaranka ee shaqeeya, warbixin wanaagsan oo hufan ayay dhab ahaantii bixiyeen, anaguna dhab ahaantii hay’addaha dawladda ee aanu u yeedhna maaha in aanu u yeedhna uun hay’add far lagu goday, ee waxaa aanu tallo ka bixina hawlaha ay hayaan waxaa aanu warbixin ka dhageysana shaqada ay Qaranka u hayaan, waxaa aanu saxna wixii khaldama oo aanu tallo iyo toosinsiinaa, run ahaantiina guddida Qandaraasyadu si hufan oo fiican ayay u guteen shaqadoodii, warbixintoodana ay u bixiyeen wixii su’aalo laga weydiiyeyna ay uga jawaabeen”

“Saaka waxaa aanu la kulaney guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda Somaliland taasi oo ay naga wareysteen shaqada aanu Qaranka masuulka uga nahay ee Qandaraasyadda Qaranka, waxaa aanu siiney warbixin waafiya, waxaanan mar labaad u mahad celineyna guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda”Ayuu yidhi gudoomiyaha gudidda Qandaraasyadda Qaranka mudane Nuux Maxamed Xuseen.

Leave a Reply