Wasiirka Dastuurka Somaliland oo ka Hadlay Kaalinta ay Madbacada Qaranku kaga Jirto Keydinta Xogta Dalka

0
521

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka golayaasha mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sheegay in guusha iyo horumarka ay gaadhay madbacadda Qaranka Somaliland ay aheyd mid uu go’aankeeda lahaa madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ay kaalin mihiima kaga jirto keydinta xogta Qaranka Somaliland, iyadda uu xusay diyaar loo wada yahay in madbacaddu noqoto mid Qaran.

Waxaanu sidan ka sheegay munaasibadd abaalmarino lagu gudoonsiinayay shaqaalaha madbacadda Qaranka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka golayaasha mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa dhammaanteenba farxad inoo ah go’aanka uu madaxweynuhu qaatay ee ah in maal intaasi le’eg lagu horumariyo Madbacadda Qaranka Somaliland, waayo waxaa aynu u arragna dhammaanteen, madaxweynuhu mihiimadda ay leedahay Madbacadda Qaranka u leedahay iyo mudnaanta guud ee aynu dhammaanteen u qabno Dukumentigeena, in gacan badqabta lagu maamulo, iyo masuuliyadda ka timid maareeyaha guud, maareeye ku xigeenka iyo hal abuurnimadda ayad la timaadeen, intaaso leysku daray oo dhan ILLAAHEYba mahada iska leh.

Maanta waxaa aynu diyaar u wada nahay in Madbacaddu noqoto mid Qaran, oo sida aduunka u shaqeysa Somalidu waxaa ay ku maahmaahda ‘Marka ILLAAHEY xoolo kula doonayo dadkooda ayuu ku siiyaa’ waxaan odhan karrna madaxweyne u diyaara oo garanaya mihiimadda ay madbacaddu leedahay, oo go’aanka qaatay, maareeye iyo maareeye ku xigeen hal abuur leh, doonayana inay wax qabtaan, marka ILLAAHEY xoolo kula doonayo dadkeeda ayuu ku siiya Madbacaddu waxaa ay heshay min madaxweyne ilaa shaqaalaha sida hagar la’aanta ah u wada hawsha madbacadda Qaranka”

 

Leave a Reply