Ciidamada Booliska oo Gacanta ku soo Dhigay 650 litir oo Maandooriyaha Khamriga

0
596

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay lix boqol iyo konton litir oo Maandooriyaha Khamriga ah oo la soo galiyay Magaalada Hargaysa.

Maxkamadda Gobalka Maroodijeex ayaa ku xukuntay ee daysanayaal lagu soo qabtay khamrigan mid kiiba Saddex sanno oo xadhiga, kuwaasi oo midi maqanyahay iyo Saddex Milyan oo shilin Somaliland oo Ganaaxa.

Taliyaha Booliska qaybta Bariga ee Gobalka Maroodijeex Gaashaanle sarre Axmed Siciid Maxamed oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Sheegay in dadweynaha looga baahanyahay in Ciidamada Booliska kala Shaqeeyaan la dagaalanka aafada Khamriga, madaama Shareecada islaamka xaaraan-tinimaysay.

Axmed Siciid oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu soo qabanay oo aanu daadinay Khamri dhan 650 litir oo Khmariya waana aafo khamrigu, waxaana xaaraan tinimaysay Shareecada Islaamka, waxaaana aanu leenahay Shacabka Khamriga iyo Xashiishada Ciidamada Booliska oo kaliyi ma maqaban karaan oo dadka ayuuna soo dhex marayaa khamrigu. waana in aynu iska kaashano oo lala soo xidhiidho Ciidamada Booliska, waa cadaw dadka Maandooriyaha ka Ganacsada, waayo Caruurteenii iyo dalka oo dhan ayay cadaw u yihiin, waana aan ku boogaadinayaa Ciidanka Booliska Shaqadan ay hayaan”.

Sidoo kale Madaxa Xafiiska Gobalka Maroodijeex Mawliid Cabdi Muuse Maax ayaa waxa uu Sheegay in khamrigan ay soo qabteen Ciidamada Booliska ee Saldhiga Macalin Haaruun ee Magaalada Hargaysa. waxaana uu yidhi “Qaybta Bariga ee Gobalka Maroodijeex gaar ahaan saldhiga Macalin Haaruun ee Magaalada ayaa noo soo gudbiyay xafiis ahaan Khamrigan anaguna waxa aanu soo gudbinay Maxkamadda Gobalka Maroodijeex labo maqane ah iyo mid jooga waxa lagu xukumay midkiiba saddex sanno oo xadhiga iyo Saddex Milyan oo Shiin Somaliland oo ganaaxa”.

Leave a Reply