Wasiirka Gaadiidka Oo Kulan La Yeeshay Badhasaabka Saaxil iyo Maayarka Berbera

0
479

Berbera (Dawan): Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Siciid, ayaa shalay magaaladda Berbera kulan kula yeeshay maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera iyo masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolkaasi ka hawl gala.

Kulankaasi ayaa u jeedadiisu ahayd sidii loo dhaqan gelin lahaa digreetadii madaxweynaha Somaliland ee ahayd in la dar-dar geliyo bixinta hay’adihii hore loogu qoray lacagta qaadhaanka dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco.

Waxaanu wasiirku kulan la yeeshay badhasaabka gobolka Saaxil iyo maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, badhasaabka gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, maareeyaha wakaaladda biyaha Berbera iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka jidadka iyo gaadiidka Somaliland C/laahi Abokor, ayaa sheegay in u jeedadda socdaalkiisu ay la xidhiidho qiimayn uu ku samaynayo hay’adaha dawladda ee gobolka Saaxil kuwoodda bixiyay lacagta dhamaystirka dhismaha waddada Ceerigaabo.

Waxaanu yidhi, “Qalab u soo degay mashruuca dhismaha wadadda Ceerigaabo, oo ahaa Kalfaradii oo halkan (Berbera) yaalay, hawshoodii ayaanu u nimid, oo aan iyadana u soconaa.

Waan ku faraxsanahay in aan halkan uga mahad celiyo guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo maayarka Berbera sida niyad samaanta ah ee ay noo qaabileen, isla markaana wixii aanu uga baahnayn guud ahaan gobolka gaar ahaana degmadda ay noogala shaqeeyeen.”

Maayarka Berbera C/shakuur Maxamuud Cidin, ayaa isna faahfaahin ka bixiyay kulanka uu wasiirka gaadiidku la yeeshay.

Waxaanu yidhi “Wasiirku u jeedadda uu Berbera u yimid, waxa weeye waddadii Ceerigaabo oo gebagebo ah, lacagihii ku baaaqday meelihii ku qornaa.

Sida dawladda hoose, wakaaladda biyaha, haamaha shidaalka, iyo cid kastoo digreetadda madaxweynuhu saamaynaysa-ba, in uu wasiirku hubiyo in ay lacagtii wareejiyeen iyo in ay deg deg u wareejiyaan.”

Badhasaabka gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi “Hawsha aad u socoteen ee daba-galka ahayd, ee lacagta loo jarayay jidka Burco iyo Ceerigaabo isku xidhayay, oo hay’adihii bixiyay iyo kuwii aan bixinba la eegayay.”

Leave a Reply