Kamaradii Ugu Yarayd Caalamka Oo Lasoo Saaray Oo Noqotay Mid Caafimaadka Caalamka Wax Ka Bedeshay

0
707

Sannadkan waxa lasoo saaray Kamaradii ugu yarayd caalamka, taas oo lagaga shaqaynaayo shaqooyinka caafimaadka iyo cilmibaadhisaha,waxaana soo saartay markii ugu horeysay shirkadda lagu magacaabo OMNIVISION  Technology oo laga lee yahay wadanka Maraykanka, kamaradan ayaana le’eg qoraaladda inta badan buuggaagta lagu qoro,waxaana lagu magacaabaa OVM 6948  ama QB Chip, waxaanay noqotay kamaradda ugu yar caalamka guud ahaanba, taas oo soo gasha suuqyadda.

Kamaradan yar ayaa culayskeedu dhan yahay Hal milimitir, dhererkeeduna waa 0.5 milimitir, halka balaadhkeedu yahay 0.2milimitir,waana kamarad xataa ka yar Shilinka yar ee lacag ahaanta loo isticmaalo ama kabriidka, waxaana loogu talo galay in la geliyo gudaha jidhka dadka, waxaanay awood u lee dahay in ay soo qaado sawiro cabirkoodu dhan yahay 200 oo Pixel, waxaanu heer kulkeedu gaadhi karaa -20 ilaa 70 Celsius.

Waxa ay awood u lee dahay kamaradan yar ee OVM 6948  in ay qaado marka keliyaata 30 sawir oo  deg deg ah , sidoo kalena saafi ah, waxaana tusaale ahaan lagu ogaan karaa xanuunada ku dhaca hab dhiska Dhiig wareega, Xanuunada Indhaha, Afka iyo Qanjaha,  Xanuunada Wadnaha ku dhaca, Xanuunada Dareen wadka ku dhaca, Xanuunada Dumarka ku dhaca iyo Xanuunada Kaadi Mareenka ku dhaca,waana  qayb kamid ah horumarka Technology-ga suurto gelisay in la ogaado macluumaad ku saabsan meelo aan hore loo ogaan jirin jidhka bani’aadamka, waana sababta keentay in Wadnaha iyo meelo kale oo jidhka ah in ay macluumaadkooda soo gudbiso kamarad yar oo Hal milimitir ahi,waxaana faa’iidooyinkeeda ugu waaweyn kamid ah in ay macluumaad ka keento xididada yar yar ee dhiigu maro ,waxaanay sheegtay shirkadda OMNI Vision in samaynta Kamaradan yari ay tahay mid ka jawaabaysa baahiyaha caafimaad ee meelaha aan hore loo gaadhi jirin,iyada oo waqtigan la sharaxi karo meelo fog oo aan hore macluumaad looga hayn, waana qayb kamid ah horumarada caalamka kusoo kordhay sannadkan cusub.

Leave a Reply