Dad Caruur U Badan Oo Ku Geeriyooday Weerar Ka Dhacay Dalka Kamaruun.

0
712

Hargeysa: Ugu yaraan 22 ruux ayaa ku dhintay weerar ka dhacay xaafad ku taalo waqooyi galbeed dalka Cameroon sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kalabadh dadka dhintay ayaa lasheegay in ay ahaayeen caruur, warbaahinta gudaha ayaa ku soo warantay in dhawr dhibane nolosha lagu gubay.

Majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka, balse axsaabta mucaaradka ayaa weerarkani ku eedeenaya ciidamada dowladda.

Dowladda Kamaruun oo sadaxdii sano ee lasoo dhaafay dagaal kula jirtay kooxo gooni u goosad ah ayaan wali ka hadlin weerarkan.

14 caruur ah oo sagaal kamid ah ay da’doodu ka hooseeso shan sano jir ayaan wararku sheegayaan in ay weerarka ku dhinteen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply