Goobaha Imtixaanka Barnaamijka Shaqo Qaran oo la Shaaciyey

0
569

Borama (Dawan) Gudoomiye ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ee gobolka Awdal Aadan Faarax Maxamuud ayaa si rasmi ah u shaaciyey dugsiyadda lagu gelaayo Imtixaanka lagu kala saaraayo ardayda ka qayb qaadan doonta dufcada labaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee gobolka Awdal oo loo fadhiisan doono maalinta Isniinta ah ee fooda inagu soo haysa.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Imtixaanka lagu kala saaraayo ardayda ka midka noqon doonta Barnaamijka Shaqo Qaran dufcadiisa labaad dugsiyada sare ee Sheekh Cali Jawhar iyo Al-Aqsa,iyada oo loo kala qorsheeyey wiilal iyo gabdho ,waa uu sidoo kale ugu baaqay Guddoomiye ku xigeenku dhalinyaradda imtixaankan u fadhiisan doona in ay maalinta Berri ah usoo doontaa xarunta waxbarashada gobolka Awdal kaadhadhka ay ku gelayaan imtixaankaasi.

Waxa uu sidoo kale ardayda kula taliyey Guddoomiye ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ee gobolka Awdal in ay 24-ka bisha labaad oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota toddobada subaxnimo yimaadaan dugsiyadaasi ay imtixaanaadka ku geli doonaan.

Sidoo kalena waxa uu tilmaamay Aadan Faarax Maxamuud in Dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar ay ku geli doonaan Habluhu, halka ay dugsiga sare ee Al-Aqsana ku geli doonaan Inamadu.

Sawirkani waa astaanta u reeban barnaamijka shaqo Qaran

Leave a Reply