Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi -gelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa caddeeyay ujeedada iyo mawqifka Somaliland ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo ah in Somaliland iyo Soomaaliya ay noqdaan laba dal oo deris ah, isla markaana jaarnimo iyo walaalnimo wadaaga.
Waxaanu meesha ka saaray hadalka Soomaaliya ku celceliso ee ah in wada-hadallada ay uga dan leeyihiin in Somaliland iyo Soomaaliya dib u midoobaan, taas oo uu iftiimiyay in ay ahayd wax mar yimi, isla markaana Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii ka horraysay dhalashadii xornimada Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo shalay ka qayb galay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC-Somali, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal uu doodda kaga qayb qaatay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo uu ku sheegay in dawladda Soomaaliya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay uga dan leedahay in ay dib u soo celiso midnimo mar kale dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu wasiir Saleebaan iftiimiyay sida ay Somaliland iyo Soomaaliya u kala ahaayeen laba dal oo kala duwan oo laba dal oo reer Yurub ah ka kala qaatay xorriiyada, isla markaana laba xilli oo kala duwan kala xoroobay.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Somaliland ay tahay dal leh xuduudihii qaran madaxbannaani uu yeelan lahaa oo waafaqsan xeerarka Midawga Afrika oo dhigaya in aan waxba laga bedeli karin xuduudihii gumaystuhu ka tegay.
Waxaa kale oo uu bayaamiyay in Somaliland aanay wax colaad iyo cadaawad ah u qabin Soomaaliya dadkeeda, isla markaana ay diyaar u tahay in ay si walaalnimo ah oo jaar wanaag ah in ay ku wada noolaadaan sida ay imikaba Somaliland daris wanaagga ugu wada dhaqmaan Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya.
Wasiir Saleebaan oo ka jawaabayay ugu horrayn su’aal laga waydiiyay siday wax uga jiraan wararkii sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Hargeysa doonayay in uu yimaaddo, ayaa yidhi. “Arrintaa runtii umadda reer Somaliland war cad ama waraaq cad oo in uu Farmaajo Hargeysa imanayo oo soo gaadhay ma jirto, laakiin waxay u ekayd ilo wareedyo si dublamaasiya loo dhigay oo ka soo burqanayay dhammaan ilaha warbaahinta ee dalalka jaarka oo dhan, markii warkaasi dadkii gaadhay Somaliland oo ah dal sharci leh iyagoo aan dadku jawaabba ka sugin dawladda ayay si adag uga horyimaadeen waxyaabahaa ka soo burqanayay ilaha wararka ay bulshadu ka hesho, sababtaas ayaa markaa keentay in madaxda Somaliland ay ka jawaabto iyadoo dadkeeda ku raalli gelinaysa in dastuurka iyo sharciga Somaliland ay dhawrayso.”
Wasiir Saleebaan oo ka hadlayay wada hadaladii hore u dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya iyo mawqifka Somaliland uga meel yaalla wada hadalada, ayaa yidhi. “Somaliland iyo Soomaliya waa run oo wada hadalo way soo yeesheen, kuwaas oo ka soo bilaabmay Ingiriiska, Turkiga, Jabuuti iyo meelo kalena lagu qabtay wax guul ah lagama gaadhin, wax kasta oo lagu wada hadlo laguna heshiiyay oo madaxda labada dal ku wada hadlaan oo la isla qaatay waxay ka burayeen oo ay ka fuli waayeen dhanka Soomaaliya oo natiijo la’aan ayay dhammaantood ku dhammaadeen, dawladda Somaliland markasta iyo meel kasta oo la joogo waxay diyaar u tahay in ay madal caalamku u dhan yahay ama qayb ka mid ahi ay joogto in ay ku garnaqsato oo xaqa ay u leedahay in dalkeedu uu noqdo dal madaxbannaan oo caalamka ka mid ah in ay halkaa ka sheegato, annagoo buuxinay wax kasta oo laga rabay in uu yeesho dal caalamka ka mid ahi in uu yeesho, sida aad ogtahay ee caalmkuna ka marag yahay Somaliland waa dal leh dastuur iyo shuruuc, isla markaana ay is bedeleen shan Madaxweyne oo qof iyo cod lagu soo doortay, waxaanu qaadnay afti dadweyne oo lagu meel mariyay dastuurka Somaliland oo boqolkiiba 97 haa umaddu ugu codaysay, annagoo waxaasi aasaas noo yihiin ayaanu haddana diyaar u nahay in aanu Soomaaliya ku wada hadalno madal caalamku goob jog ka yahay, iyadoo imikaba ay jiraan dalal badan oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya goob joog ka ahaadaan, qadiyadda aanu diyaarka u nahay waa taas, qadiyad afka baarkiisa ah oo laba nin oo Somaliland iyo Soomaaliya ka socda iyo hadalo dublamaasiyadeed oo afka baarkiisa ah ay ku wada hadlaan umaddani uma baahna ee waxay u baahan tahay goob ay masiirkeeda kaga hadasho oo markhaatiyaal ay joogaan oo wixii shalay lagu wada hadlay aan maanta la dafirin.”
Wasiirka Soomaaliya doodda uga qayb galayay iyo Proff: Ibraahin Bursaliid oo isku dhinac ahaa ayaa marar badan ku celceliyay in loo baahan yahay in wada hadalo dib u soo celiya midnimo Somaliland iyo Somaaliya ah in la isugu yimaaddo loo baahan yahay iyagoo meesha ka saaray in Somaliland ay jirta ka hor Soomaaliya, laakiin waxaa taa waxba kama jiran ka dhigay wasiirka Warfaafinta dhaqank iyo Wacyi gelinta Somaliland oo si cad u bayaamiyay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya siday u kala madaxbannaanaayeen. waxaanu yidhi. “Horta Somaliland maaha gobol Soomaaliya ka mid ahaa oo imika ka go’aya, laakiin waa dal la soo noqday xorriyaddiisii uu ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii halka ay Soomaaliyana xorriyadda Talyaaniga ka qaadatay 1-July 60-kii markaa horta sidaas ayay u kala taariikh duwan yihiin. Waxaanuna nahay dal leh xuduudihiisii qaran oo la aqoonsan yahay, waxaa kale oo xeerka Midawga Afrika ka yaalla in aan waxba laga bedeli Karin xuduudihii gumaystuhu ka tegay ee Afrika, markaa Somaliland waa dal xorriyadiisii la soo noqday oo ah qaran madaxbannaan, laakiin wasiirka Soomaaliya waxaad moodaa in uu taariikhdaba ka bilaabayo 1-dii Jullay 60-kii, laakiin Somaliland waxay leedahay taariikhdaa uu sheegayo mid ka duwan oo ah mid soo taxnayd illaa 1884-kii iyo ka hor, imikana waxaanu diyaar u nahay in Soomaaliya aanu madal caalamiya ku kala baxno.”
Wasiirka ayaa si adag uga hadlay qorsheyaal Somaliland dhagar ku ah oo marar badan ay Soomaaliya ku tallaabsatay, isla markaana ay ku doonaysay in ay Somaliland ku cunaqabatayso, waxaanu yidhi. “Soomaaliya marar badan ayay ku celcelisaa in ay walaalnimo wax ku doonayso, iyadoo la wada ogyahay madaxda Soomaaliya siday marwalba u diidan tahay in dadka Somaliland ay noolaadaan oo ay caalamka la macaamilaan, waxaa la wada ogyahay in ay dalalka aanu xidhiidhka leenahay iyo hay’addaha caalamiga ah iyo meel kasta oo wefti Somaliland madaxdeeda ahi uu tagana in ay qoraalo iyo waraaqo ka gudbinayeen oo ay ka xun yihiin in Somaliland dadkeedu ay noolaadaan, markaa iyagoo sidaa duulaan noogu ah oo cunaqabatayn la doonaya dadkayaga in ay hadana yidhaahdaan walaalnimo ayaan wadnaa waa wax aanay waxba ka jirin, Somaliland dawlad ahaan iyo dad ahaan ba Soomaaliya colaad uma hayso mana collaysanayso, laakiin waxaan leenahay walaalahayo aynu noqono laba dal oo walaalo ah oo jaar ah oo wax badan iska kaashada, kana guura riyada aad Somaliland ku sheeganaysaan.”
Wasiirka oo is dultaagay sababta Somaliland u diiday in ergada wada hadalada Soomaaliya magacaabayso in ay ku jiraan shaqsiyaad u dhashay Somaliland, ayaa yidhi. “Waxaanu u diidnay in ay ku jiraan shaqsiyaad u dhashay Somaliland in ay Soomaaliya ku soo darto ergada u metelaysa wada hadaladu waa mid cad, shaqsiyaad maaha waxa wada hadlayaa waa Somaliland iyo Soomaaliya nin meesha iska tegay oo Somaliland u dhashay sabab uu noo soo hor fadhiistaaba ma jirto, Soomaaliyadii Talyaanigu iyo Somaliland, markaa qof aan Soomaaliya u dhalan oo isagu iska jooga lama hadlayno, saaxiibkay wasiirka Soomaaliya oo aanu isku deegaan ka soo jeednana waa nin Xamar jooga oo intaa ka badan odhan maayo.” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
Dhinaca kale waxaa doodda si wayn ula safnaa wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Proff: Ibraahin Bursaliid oo doodda kaga qayb gelayay in uu dhex dhexaad yahay laakiin si wayn uga soo horjeeday qarannimada Somaliland oo si cad u dafirsanaa xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland, inkastoo wariyaha doodda daadihinayay Cabdirisaaq Catoosh uu marar badan hadalka ka dhex galay oo uu ku celceliyay hannaanka dawladnimo ee Somaliland iyo waxyaabaha u qabsoomay hadana Bursaliid si cad ayuu ula safnaa wasiirka Muqdisho.