Bulsho Belaayo U Argata Salaanka!

0
699

Salaanka qoriga ah waxa uu ka mid yahay arrimaha la baasaysto ee nasiib xumada lagu tiriyo isla markaana aad looga fogaado in la hoos maro dalalka Yurub. Sababta ayaa ah in qarniyadii dhexe qofka marka la dilayo la samayn jiray salaam loox ah oo lagu dhejin jiray gidaarka ka dibna xadhiga lagu deldelayo lagu xidhi jiray. Waxaana qofka hoos maraa uu u ogaanayay inay dhowdahay  wakhtigii dhimashadiisa.

Dhaqanada kale ee ugu caansan isla markaana yaabka badan ee ay aaminsan yihiin inay dhimasho iyo nasiib xumo soo jiidayso, waxa ka mid in xabad kabriid ah lagu wada shido saddex midh oo sigaar. Arinkani wuxu xidhiidh la leeyahay dagaalkii koowaad wakhtigaasi oo dhufaysyada ay ku jiraan ciidanku ay hal xabo oo kabriid ah kuwada shiteen saddex sigaar ah laakiin askarigii ugu danbeeyay ee sadexaada markii la gaadhay ay rasaas lagu soo shiishay ku dhacday oo uu dhintay. Waxaana ay ka dhigeen arrin ay baasaystaan oo aad uga baqaan, iyadoo qof kasta is leeyahay hadaad ka sadexaad noqoto waad dhimanaysaa! .

 

 

Leave a Reply