Sool: Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland Ka Socday Oo kormeeray Jidka Kalabaydh iyo Laascaanood

0
610

Laascaanood (Dawan): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gadiidka iyo mareeyaha Hay’adda waddooyinka oo uu wehelinayay badhasaabka gobolka Sool ayaa maanta kormeer ku soo maray jidka isku xidhaya degmadda Kalabaydh iyo Laascaanood.

Iyadoo jidkaasi isku xidhaya Kalabaydh iyo Laascaanood oo dhererkiisu yahay 32 KM uu dhismihiisu socdo, isla markaana uu hadda bilaw yahay.

Masuuliyiintan kormeerka ku tegay jidkan dhismihiisu socdo waxaa xog waraysi la xidhiidha halka hawshu marayso ka siiyay Injiineeradda iyo shaqaalaha wadda dhismaha jidkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa qoraal kooban oo uu kaga warbixinayay u jeedadda kormeerkoodda waxa uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Waxaanu yidhi, “Waxaan maanta aniga oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka iyo isu-duwaha iyo mareeyaha Hay’adda waddooyinka, iyo Eng Axmed Maxamed RD.

Aanu kormeer iyo dhiiri gelin ku tegnay dhismaha waddada isku xidhi doona magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood iyo degmada Kalabaydh.

Halkaasoo wasiir ku-xigeenku uga sii gudbay dhinaca degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool”.

Dhismaha jidkani ayuu badhasaabku sheegay in uu ka mid yahay mashaariicda horumarineed ee xukuumadda Somaliland ka fulinayso sanadkan gobolka Sool.

“Mashruucan oo ka mid noqonnaya mid safka hore ka gelaya kuwa bulshadda Somaliland hal-abuureen toddobaad ka horna aanu aan daah-furnay ayaan maanta mar kale halka dhismuhu ka bilaamayo aanu tegnay, isla markaana aanu soo xog waraysannay guddiga u xilsaaran dhismaha waddadan”ayuu ydihi C/qani jiidhe.

 

Geesta kale badhasaabku waxa uu sheegay in ka maamul ahaan isagoo ka wakil ah xukuumadda dhexe ee Somaliland in ay ka go’an tahay in ay intii karaankoodda ah ku dedaalayaan sidii ummada ay wax ugu qaban lahaayeen.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Ka maamulka gobolka ahaan iyo xukuummadda dhexe ee Somaliland waxaa ka go’an ayna inta karaankooda ah ay garab is taagayaan dhinacyda ummadda ee qayb ka noqonnaya horumarka iyo barnaamiyada wax tarka u leh dadka iyo deegaankaba”.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply