Soomaaliya Oo Ka Cadhootay Dawladdo Soo Jeediyay In La Aqoonsado Somaliland

0
614

Washington (Dawan): Dawladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay wadamadda Kenya, Guinea Conokory, iyo Imaaraadka Carabta in ay in ay wadaan qorshe ah sidii loo aqoonsan lahaa jamhuuriyadda Somaliland.

Eedayntaasi ayaa ka timid, kadib markii danjireyaasha dawladaha Imaaraadka Carabta, Kenya iyo Guinea Conokory, u fadhiya magaaladda Washington ee dalka Maraykanka ay yeesheen shir saddex geesood ahaa.

Shirkaasi ayaa la sheegay in looga shakisan yahay in safiirradaasi ay kaga arrinsanayeen aqoonsi la siiyo jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaasi oo saddexda danjire ay 1-dii bishan March ku yeesheen Manhattan Island oo ah meesha  ay ku taallo xarunta qaramadda midoobay ee magaaladda Washington.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa kulankaasi kadib isla gelinkii danbe ee 1-dii bishan March ku eedaysay dawladaha Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Guinea Conokory, in ay ku hawlan yihiin aqoonsi la siiyo Somaliland.

Sida uu sheegay weriye David Simon, oo ah weriye xarunta jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka soo warama.

Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn uga qaylisay shirkan ay danjireyaashu ku yeesheen Manhattan Island.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington Cali Shariif Axmed, ayaa u sheegay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, in uu dacwad ka gudbinayo dawladaha Guinea Conokory, Imaaraadka Carabta iyo Kenya.

Mr. James Swan, ayaa dhawaan hadal hoos u dhigaya sumacadda Somaliland ka jeediyay machadka nabadda aduunka.

Iyadoo safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka uu Mr. Sawan, ku amaanay hawsha uu hayo ee ah wada jirka Soomaaliya.

Geesta kale danjireyaasha wadamadda Imaaraadka, Guinea Conokory iyo Kenya, u fadhiya Washington ayaa canbaareeyay tallaabooyin ay sheegeen in ay dawladahoodda kula kacday Soomaaliya.

Safiirka Kenya u fadhiya Washington Mr. Robinson Njeru Gittae,  ayaa 1-dii bishan March ku eedaysay Soomaaliya in ay doonayso in dadka Af-Soomaaliga ku hadla oo dhan ay noqdaan isku hal wadan.

Taasoo baabiin karta rejadda aadka u yar ee Soomaaliya oo ay ciidamadda AMISOM hormoodka ka yihiin.

Sidoo kale safiirka dawladda Gunea Conokory, u fadhiya Washington Mr. Kerfalla Yensane, ayaa daawadsiiyay diblomaasiyiin reer Galbeed ahaa wax uu uga yeedhay gardarro ay Soomaaliya kula kacday wadankiisa oo aanay lahayn wax cilaaqaad ah.

Kadibmarkii Soomaaliya ay sheegtay in ay xidhiidhka u jartay dawladda Guinea Conokory, markii ay jamhuuriyadda Guinea Conokory, 1-dii bishii July ee sanadkii 2019-kii ay dalkeedda ku casuuntay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Youcef Al-Otaiba, oo ah danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Washington ayaa isna soo bandhigay muuqaal la duubay sanadkii 2018-kii oo Soomaaliya ay kaga cabanaysay shirkadda DP World oo ay leedahay dawladda Imaaraadku.

Dhinaca kale Lord Abraham Mutai, oo ah weriye Kenyan ah oo bog Internet-ka ah wax ku qora ayaa is-waydiiyay waxa isku soo beegay hadalkii khaladka ahaa ee danjire James Swan, iyo kulankii safiirrada saddexda ee Soomaaliya ay sheegtay in ay kala goynayaan Soomaaliya.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply