Askar Maraykanka Iyo UK U Dhashay Oo Lagu Dilay Duqayn Ka Dhacday Dalka Ciraaq

0
481

Baqdaad (Dawan)- Saddex qof ayaa   dhintay kaddib markii saldhig ku yaal Ciraaq oo ay ku sugan yihiin ciidammo u dhashay Maraykanka iyo UK lala beegsaday gantaallo.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacmay, weerarkaas oo lagu qaaday saldhigga Taji, oo ku yaal waqooyiga Baqdaad.

Ciidammada Maraykanka sida laga soo xigtay, askari maraykan ah, qandaraasle isna Maraykan ah iyo askari Biritish ayaa ku dhintay inkastoo aan weli magacyadooda la faafin.

Xiisadda ayaa kacsanayd, tan iyo markii Maraykanku ay duqayn ku dileen Sarkaal sare oo Iiraani ah, waa Qasem Soleymaani e, bishii Janaweri.

Weerar aargudasho ah oo Iiraan ku qaaday al-Asad, waa saldhig kale oo martigeliya ciidammada Mareykanka 8dii Janaweri ayaa sababay in ka badan 100 askari uu kaga tago xannuun riiqda ee ku dhaca maskaxda ee loo yaqaan TBI.

Si kastaba ha ahaatee, Iiraan iyo US ayaa u muuqday inay xariiq nabadeed ka dhigteen arrimahaas, isla markaana ma ay jirin wax rabshado ah oo sii kordhay.

War qoraal ah oo ka soo baxay isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee Ciraaq iyo Siiriya ayaa lagu xaqiijiyay in 18 gantaal lagu garaacay saldhigga isla markaana saddex ka mid ah isbahaysiga la dilay.

xilli hore, bartiisa twitter-ka , af hayeenka isbahaysiga ayaa sheegay in weerarka uu dhacay 19:35 waqtiga maxaliga ah (16:35 GMT) arbacadii. Wuxuu intaas ku daray in la bilaabay baadhitaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply