Hargeysa: Wasiiro Sabootiyey Arday Deeq Waxbarasho ka Helay Dalka Suudan

0
613

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo  Arrimaha Dastuurka Somaliland ,Maxamed Xaaji Aaden Cilmi ayaa kulan qado sharaf ah u sameeyey arday deeq waxbarasho ah ka helay dalka sudan

kulankani ayaa waxa wasiirka ku wehelinayey wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka , Mahdi Ismaaciil iyo sido kale Agaasimaha Tacliinta Sare

Ugu horayn waxa madashani ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Burco Mudane Xiis Cismaan isagoona u mahadceliyey wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka

Wasiir ku xigeenada wasaaradda horumarinta caafimadka iyo waxbarashada ayaa dardaaran iyo duco ujeediyey ardayda deeqdani waxbarasho ka helay dalka Sudan iyaga oo kula dardaarmay inay noqdaan kuwii ka faa’ida waxbarasahda ee dalka wax kusoo celiya.

Ugu dambeyn waxa madasahani so afmeeray Wasiirka Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka , Maxamed Xaaji Aaden Cilmi oo ardayda u jeediyey dardaaran iyo duco waalidnimo isago ku adkeeyey in waqtiga ay geediga waxbarashada ku jiraan ay ka faa’ideystaan sido kalena noqdaan kuwii dalkooda iyo dadkooda ku anfici lahaa aqoonta ay u baxayaan.

 

 

 

Leave a Reply