Wasiirka Waxbarashadda oo 13-waaxood ku soo Koobay Waaxiyihii Wasaaradaasi

0
795

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye, ayaa maanta wareegto ku soo saaray isku shaandhayn, magacaabis iyo xil ka qaadis uu ku sameeyey, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Geesta kale wasiirku waxaa uu waaxaha wasaaradda ku soo koobay  13 waaxood,  oo mid waliba qaban doonto hawsha loo igmaday.

Labada waaxood ee aan wareegtadan ku xusnayn ayaa kala ah waaxda tacliinta sare iyo waxbarashada aas’aasiga ah.

Waa wareegtadii uu soo saaray wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland

 

Leave a Reply