Ugu Yaraan 20 Ruux Oo U Dhintay Cabsi Ka Dhalatay Xanuunka Corona

0
411

Colmbia (Dawan)- Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhimatay mid kamid ah xabsiyada ugu weyn dalka Colombia, kaddib markii ay dhacday wax ay mas’uuliyiinta ku tilmaameen isku day baxsasho oo ay sameeyeen qaar kamid ah maxaabiista, kuwaas oo ka cabsi qabay xanuuka corona.

Wasiirka cadaaladda ee dalka Colmbia, Margarita Cabello ayaa sheegtay in sidoo kale isku daygan ay ku dhaawacmeen 83 maxaabiis ah. Waxay intaa raacisay in ay ku guda jiraan baaritaan ku aadan arrintaas.

Mr Cabello ayaa sidoo kale sheegtay in 32 maxaabiis ah iyo 7 kamid ah ilaalada xabsiyada ay jiifaan isbitaal, halka laba kamid ah ilaalada maxaabiistana xaaladoodu ay aad u daran tahay.

Wasiirka ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in qalalaasaha uu ahaa mid la qorsheeyay, mid kaas lamid ahna laga soo sheegay qeyba kale oo wadanka ah.

“Tani ma ahan qof qaba caabuqa corona ama maxbuus ama shaqaalaha maamulka oo qaba xanuunka ee waa mid lasoo qorsheeyay”.

Mar wax laga weydiiyay in ay aad u liidato xaaladda caafimmaad ee xabsiga maadaama laga cabsi qabo xanuunka corona ayaa waxay sheegtay in aysan jirin dhibaatooyin la xiriira xanuunka corona oo keeni karta xaalad noocaas oo kale ah, waxayna ku adkeysatay in uu yahay qorshe la maleegay.

Waxaa kale oo ay sheegtay in qaar kamid ah maxaabiista markale lagu soo oogi doona dacwad ah isku day dil iyo burburin hantiyadeed.

Qaar badan oo kamid ah ehelada maxaabiista ayaa isugu yimid afaafka hore ee xabsiga, kuwaas oo doonayay in ay ogadaan xaaladda ay ku sugan yihin dadkii uga xirnaa xabsiga. Waxay sheegeen in ay maqleen dhawaqa rasaasta oo kor loo riday, kaddib markii ay yimaadeen booliska.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa uu muujinayaa maxaabiis dab qabadsiinaya joodariyada ay ku seexdaan.

Sida laga soo xigtay wasaaradda cadaaladda ee dalkaas, xabsiyada dalkaas oo gaaraya 132 ayaa waxaa loogu talaagalay maxaabiis dhan 81 kun, balse waxaa ku xiran 121 kun maxbuus, taas oo muujineysa in tiradii loogu talagalay ay aad uga badan tahay.

Guud ahaan dalka Colombia waxaa laga soo wariyay 231 kiis oo cudurka corona, halka laba qofna ay u dhinteen.

Dalka Colombia oo dhan ayaa lagu wadaa in la geliyo karantiil maalinta talaadada, waxaana la filayaa in uu socda 19 cisho.

Xayiradaas ayaa ka dhigan in dadka aysan isku socon karin, marka laga reebo shaqaalaha caafimaadka, laamaha amniga iyo shaqaalaha dukaamada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply