Dawladda Somaliland oo ku Dhawaaqday Go’aan Culus oo lama Filana

0
471

Hargeysa (Dawan) Dawladda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay Tallaabo ka qaadayso Cidda la arko iyagoo ku qayilaya Marfashyada qaadka lagu cuno ee ku yaalla Magaalooyinka dalka.

Waxaaney caddeysay in laga bilaabo maalinta beeri ah INSHA ALLAH, magaalooyinka dalka oo dhan loo qaybin doono ciidamo gaara, oo si dhaw ula socon doona goobaha khaaska ub ah cunitaanka qaadka ee loo yaqaano Marfishyadda, si ay Tallaabo uga qaadaan.
Waxaana sidan warbaahiinta u sheegay wasiirka wasaaradd arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ka hor-tagga Caabuqa Dunida faraha baas ku haya ee Coronavirus, kaasi oo ka dillaacay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xuduud la leh Somaliland.

Leave a Reply