Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo ku baaqay in la Joojiyo Duulimaadyada Ethiopian Airlines.

0
420

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha xisbiga UCID In. Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda Somaliland u soo jeediyey in ay feejignaan dheeriya ka yeelato xuduudaha ay la leedahay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Sido kale waxaa uu gudoomiyaha xisbiga UCID soo jeediyey in ama rakaabka diyaarada Itoobiyaan Airline la karantinimeeyo muddo 14-cisho sida, ama la joojiyo guud ahaan duulimaadyadeeda ay Somaliland ku iman jirtay.

Waxaanu soo jeediyey in mucaarid iyo muxaafid, wadaad iyo waranleh, iyo bulshada rayidka ahba inta wax walba leyska dhigo in gacmaha leys qabsaddo.

Waxaanu tilmaamay in duulimaadka diyaaradda Itoobiyaan Airline aanay Soomaaliya joojin, balse ay Somaliland joojisay kadib xanuunka Corona-vires markii laga hellay dalkaasi.

Gudoomiyaha xisbiga UCID In, Faysal Cali Waraabe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaan leeyahay dawladda maada cudurkani la sheegay in afar iyo toban cisho kadib soo if baxayo duulimaadkii Itoobiyana ay inoo furan tahay, oo meelkasta ka keenaysa dadka, laba arrimood waa in la qaado, midi waa mide cidii ka timaada dhulkaasi lagu sheegay in la Karantinimeeyo 14-tisho, sida Itoobiyaba ay yeeshay, aduunkuna yeelay, ama in duulimaadyadaasi la joojiyaa.

Hadii aynu joojino dee ciyaalka Xamarka jooga mey joojine Corona-vires ayaa joojiya, oo inagga ayaa joojiney, inaggana ficilku yaanu ina sii qaadin oo aan la inoo soo xanbaarin xannuun, waxaan jeclahay arrintani waa aafo Qaran ee in mucaarid iyo muxaafidba, wadaad iyo waranleh, bulshada rayidka ah aynu gabi ahaanteed gacmaha is qabsana, oo wax kale oo dhan hareeraha iska dhignaa”

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Leave a Reply