Akhri Nuxurka Fariin Madaxweyne Cagjar u Diray Bulshada DDS

0
932

Jig-jiga (Dawan) Madaxwaynaha DDS, mustafe muxumad Cumar, oo manta xafiiskiisa kula hadlay saxaafada kala gadisan ee kal hawgasha deegaanka, ayaa bulshada u diray faariin ku saabsan sidii caabuqa COVID-19ka looga hortagi lahaa.

Madaxwaynaha ayaa bulshada ku guubaabiyay, inay yareeyaan isu imaanshaha iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida, makhaayadaha, xarumaha adeega bixiya sida, Bangiyada iyo xarumaha isgaadhsiinta.

Madaxwaynaha ayaa fariin gaara u diray ciidamada amaanka ee kala gadisan ee DDS, inay ilaaliyaan amaanka xuduudaha madaamo oo dhawaan la xidhay, isla mar ahaantaasna fuliyaan awaarmita laxidhiidhay caabuqa COVID-19 ee ay xukuumadu soo saarto.

DDS, ayaa qaaday talaabooyin dhawr ah oo is xig xiga oo laga hortagayo Cubaqan, iyada oo la aasaasay gudi heer deegaan oo si toos ah ula socda wixii is badalo ah ee yimaada, waxaana xusid mudan in ilaa maanta aan deegaanka laga helin wax bukaan ah oo qaba fayrasaka CORONOGA, marka laga tago 2 ruux oo looga shakiyay, hase ahaate badhis caafimaad ka dib la xaqiijiyay inay caafimaad qabaan.

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) xuquuqda sawirka SRTV

Leave a Reply