Wasiirka Wasaaradda Deegaanka JSL oo Qaabilay Muwaadin 100 Geed ka Beertay Ceerigaabo

0
7

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Muwaadin Nuura Axmed Toor, oo si iskaa wax u qabso ah uga qayb qaadanaysa dadaallada lagu horumarinayo bilicda iyo deegaanka magaalada Ceerigaabo, xarunta gobolka Sanaag.

Muwaadin Nuura Axmed Toor ayaa magaalada Ceerigaabo ka bilowday hawl iskaa wax u qabso ah oo ay ku beertay 100 geed, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu kordhinayo dhirta, lagu cagaarinayo deegaanka, laguna dhiirrigelinayo bulshada inay ka qayb qaataan ilaalinta iyo horumarinta deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Muwaadin Nuura ku bogaadiyey tallaabada muhiimka ah ee ay qaaday iyo dadaalka ay ugu jirto cagaarinta magaalada Ceerigaabo. Wasiirku waxa uu tilmaamay in ka qaybqaadashada muwaadiniintu ay door muhiim ah ka qaadan karto ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka saamaynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, Wasiir Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa ku dhiirrigeliyey Muwaadin Nuura Axmed Toor inay sii waddo dadaalkeeda, isaga oo xusay in hawlaha noocan ahi ay tusaale wanaagsan u yihiin bulshada, gaar ahaan jiilka da’da yar, isla markaana ay dhiirrigelin karaan in muwaadiniin badan ay ka qayb qaataan barnaamijyada ilaalinta deegaanka iyo beerista dhirta.

 

 

 

Senator Brian Mast: “Somaliland Waxay Fursad u Tahay U.S. iyo Saaxiibida Dimuqradiga ah”