Dalka Suudaan Boqolaal Ruux Oo Qaba Coronavirus Ayaa La Sheegay Inay Ka Baxsanayaan Goobaha Lagu Karantiimaynayo

0
728

Khartuum (Dawan)- Boqolaal reer Suudaan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay diidayaan kormeerka caafimaad ee guud ahaan dalka iyada oo ay socdaan olole looga hortagayo coronavirus, waxaana gudiga loo saaray ka hortaga Xanuunka ay la kulmayaan iska cabin.

Halista coronavirus -ayaa sii kordhaysa guud ahaan caalamka, iyadoo Suudaan ay diiwaan galisay hal dhimasho iyo laba kiis oo kale sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Gudi heer wasiiro ah  oo ay ku jiraan wasaaradaha caafimaadka, arimaha gudaha iyo warfaafinta ayaa loo xilsaaray ka hortaga Xanuunka – waxa ayn go’aansadeen in xanuunkaan laga wajaho baaritaano dheeraad ah iyo Karaantiil si loo yareeyo saamaynta Xanuunkaan.

Sidoo kale Tallaabooyin dhowr ah ayay isla meel dhigay – oo ay ka mid yihiin xiritaanka garoomada diyaaradaha caalamiga ah e, iyo in la joojiyo dhammaan Kulamada siyaasadeed, bulsheed, dhaqan iyo Ciyaaraha ee dalkaasi.

Laakiin ugu yaraan 300 oo qof ayaa wixii intaa ka dambeeyay la sheegay in ay ka baxsadeen xarumaha karantiil oo loo furay si looga go’doomiyo dadka reer Suudaan ee ka soo laabanaya safarada dibada ah.

Dad badan oo reer Suudaan ah oo looga shakisan yahay in ay qabaan cudurka, ayaa wadankaasi ku sugan waxaana khurada Caafimaadka ee dalkaasi ku taliyeen in la soo qabqabto dadka baxsad ah,dowladduna aysan is dhiibin ee ay qorshe la timaado xanuunka looga hortagayo.

Sababta dadku u baxsanayaan ayaa lagu sheegay in aysan jirin adeegyo caafimaad oo loo diyaariyay bukaanada taasna qasab ka dhigtay in ay ka cararaan Xarumaha Karaantiilka ee dowladda Suudaan diyaarisay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply