Dawladda Somaliland oo baadhaysa dad looga shakiyey Coronavirus

0
469

Guddiga ka hortagga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta sheegay in baadhitaan lagu sameynayo saddex qof oo looga shakiyey inay qabaan fayruskan.

Dheecaan laga qaaday saddexda qof ee laga shakiyey ayaa loo diray dibedda si baadhitaan rasmi ah loogu sameeyo,iyada oo inta ka horeysana dadkan lasii karantiimayn doono.

Guddoomiyaha guddida ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn cid rasmiya oo la xaqiijiyey inuu hayo ducurkaasi, balse ay jiraan dad karatiimaynsan oo Wasaaradda Caafimaadku ku hawlan tahay baadhitdaankooda, sidoo kalena Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay inay jiraan dad kasoo jeeda Gobolada Putland oo kasoo degay Garoomada Somaliland kuwaasi oo iyagana la karantiimeeyey haddana ay ku wareejin doonaan maamulkooda.

 

Leave a Reply