Afhayeenka Madaxweyne Somaliland oo ka Waramay Karantiil uu Is-galiyey

0
893

Hargeysa (Dawan) Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland mudane Maxamuud Warsame Jaamac ayaa markii ugu horeysay ka hadley muddo 14-cisho ah oo uu karantiin is galiyey.

Afhayeen Maxamuud waxaa uu sheegay isaga oo ka duulaya go’aankii guddida in uu isagu si iskii ah isu karantiiley, maada uu soo maray garoono diyaaradeed oo mashquul badan.

Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland mudane Maxamuud Warsame Jaamac “Maaada aan ka soo dhoofay madaar mashquul badan, oo kuwana ay soo galayeen kuwana soo baxayeen, oo aan isna muddo dhawr saacadooda joogay garoonka diyaaradaha ee dalka Itoobiya oo isna ah mid mashquul badan, waxaan go’aansaday adduun weynahana laga shaacinayay oo laga sheegayay in qofku meelaha xannuunkaasi ka jiro hadii uu ka yimado ama dalalka uu xannuunkani ka dilaacay dadkii joogey lagu yidhi jooga guryihiina, ana waxaan go’aansaday in aan gurigeyga joogo muddo 14 cisho ah oo aan dhaq-dhaqaaqin, oo aanan bulshada u soo bixin, oo aanan iman xafiiskii aan ka shaqeynayay, qofkasta oo muwaadin ahna waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta caafimaadkiisa, bulshadiisa, diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa anoo taasi ka duulaya ayaan gurigeyga galay”

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Afhayeenka madaxtooyada Somaliland mudane Maxamuud Warsame Jaamac/xuquuqda sawirka warbaahinta madaxtooyada

Leave a Reply