Wasaaradda Deegaanka oo Dhir u dirtay Gobolada dalka

0
637

Wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta reer Miiga ee Somaliland ayaa sheegtay in dhir kala duwan oo noocyada cagaaran ee bilicda ah u kala direen goboladda dalka, taas oo loogu diyaar garoobaayo maalinta deegaanka oo ku beegan 15 April.

Axmed Ibraahim Warsame   Agaasimaha waaxda Dhirta ayaa sheegay in wasaaraddu ay isu  xil saartay sidii ay u qaybin lahayd dhir, oo ay u gaadhsiin lahayd dhammaan gobolada dalka oo dhan, dhirtaasi oo iskugu jirta noocyada kala duwan dhirta kuwa bilicda, kuwa midhaha bixiya, kuwa dabeysha celiya.

Agaasimuhu waxaa uu sheegay in ay gobolka Sool u rareen kun iyo shan boqol oo geed, halka ay kun iyo shan boqol oo geed kalena ay imika u rarayaan.  gobolka Saraar  ayay u rareen kun iyo shan boqol oo geed, gobolka Sanaag, gar-adag iyo Ceel-afweyn waxa  ay u rareen kun iyo shan boqol oo geed, afar kun iyo lix boqol ayaa waxay ku diyaarsan yihiin magaalada Ceerigaabo, iyagoo ugu talogalay markay labadaasi degmo gaadhsiiyaan in ay ku qaybinayaan  magaalada gudaheedaba.

Gobaolka Awdal waxa ay u rareen kun iyo shan boqol oo geed, gobolka Hawd ayaa la gaadhiisiyey dhirtaasi iyo salaxleyba, halka gobolka gabileyna la gaadhsiiyey kun iyo shan boqol oo geed.

Agaasimaha ayaa sheegay in degmooyinka gobolka Maroodi jeex ay gaadhsiinayaan dhirtaasi oo noocyo   kala duwan ka kooban, Magaaladda Hargeysana loo qoondeeyay toban kun oo geed kuwaasi oo lagu wareejin doono degmooyinka magaaladda.

Isuduwaha Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miiga C/raxmaan Ismaaciil Cabdi, waxa uu sheegay in Beerta kobcinta dhirta ee gobolka Maroodi Jeex ku kaydiyeen dhifarabadan oo ka kooban noocyo kala duwan looguna talo galay in lagu dhireeyo Gobolka.

Leave a Reply