Wasiir Soomaaliya ugu dhintay Coronavirus

0
584

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshabeelle ee Dalka Soomaaliya  Khaliif Muumin Tooxoow, ayaa Maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ka dib markii uu dhowaan haleelay cudurka Coronavirus.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka kaas oo dhowaan laga helay calaamada Cudurka.

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda caddaaladda Hirshabeelle ayaa inta la ogyahay noqonaya Qofkii Labaad ee gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda Cudurka Carona Virus.

masuulkan ayaa intii aanu dhiman la kulmay  shirarna la qaatay golaha wasiiradda ee Hirshabeelle taasi cabsi ku abuurtay dawladda gobolleedka Hirshabeelle .

Leave a Reply