Agoomaha Magaaladda Burco oo Deeq raashin ah la Gaadhsiiyey

0
514

Xarunta agoomaha ee magaalada Burco ayaa hay’adda u diyaar garawga iyo Kaydka raashinka qaranku ay gaadhsiisay 80 qoys raashinkood.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaar garawga iyo Kaydka raashinka  Cabdillaahi Sheekh iyo la taliyaha hay’addaas Siciid Cabdi Gaboobe  ayaa sheegay in raashikaas oo sucuudigu ugu deeqay Somaliland ay gaadhsiinayaan meelaha ugu haboon iyo dadka jilicsan.

Sidoo kale waxa deeqdaas raashinka ah ay hay’adda u diyaar garawga iyo Kaydka raashinka qaranka gaadhsiisay 179 macallin oo aan wax mushaharo ah ka qaadan wasaaradda waxbarashada iyadoo raashinkaasi uu ka koobnaa 7 nooc.

Goobaha kale ee raashinka la gaadhsiiyay waxa kamid ah xarunta Sooyaal ee gobolka Togdheer iyadoo la gaadhsiiyay 100 qoys raashinkood.  Sidoo kale waxa raashin loo qaybiyay dadka aragga ka naafada ah iyo kuwa Cuuryaanka ah ee magaalada Burco.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garawga iyo Kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa dawladda Sucuudiga iyo Boqor Salman uga mahad celiyay kaalmada ay soo gaadhsiiyeen dadka jilicsan ee reer Somaliland.

Dhamaanba qaybaha kala duwan ee Bulshadii la gaadhsiiyay deeqda raashinka ah ayaa u mahad celiyay duceeyay isla markaana u mahad celiyay ciddii soo gaashiisay Kaalmadaas.

Leave a Reply